Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay wax ka qabaneyso cabasho ka imaaneysa Ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Muqdisho

Axad, November 01, 2009(HOL): Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay wax ka qabaneyso cabasho dhawaanahan ay soo jeedinayeen ganacsatada wax kala soo dega dekedda Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanaya lacag ay ku soo rogtay Dowladda.

Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa sheegay in ay soo gaartay cabashada ganacsatada, wuxuuse sheegay in ay ganacsatada ay qalad u fahmeen amarro lagu soo rogay oo ay canshuur-bixin ku jirto.

Prof. C/raxmaan Ibbi ayaa sheegay in cabashada ganacsatada oo xooganeyd la horgeeyay shir uu lahaa Golaha Wasiirrada, ugu dambeyntiina, la isku af-gartay in wax laga qabto cabashadaas.

Waxyaabaha ay ka cabanayaan ganacsatada ayaa waxaa ka mid ah: lacag laga qaado Doomaha iyo Maraakiibta oo dhan 200$ taasi oo aan horay looga qaadi jirin, Lacag laga qaado gaadiidka raaxada ee Dekedda lagala soo dego, taasi oo dhan  500$ oo ay kala leeyihiin Dowladda dhexe iyo Dowladda Hoose, lacag laga qaado gaadiidleyda oo dhan 20$ iyo lacag 50-100 kun Shillin Soomaali ah oo Gaadiidleyda Dekedda ka baxa looga qaado Jid-gooyo ku taalla Afisyooni.

Haddaba Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Prof. C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi ayaa sheegay in cabashada ganacsatada wax laga qabtay, isla markaana laga qafiifiyay canshuurihii laga qaadayay ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Muqdisho.

Laakin Feysal Cabdulle Xasan oo ka mid ah ganacsatada wax kala soo dega Dekedda Muqdisho ayaa shaaca ka qaadin in aan weli la xalin khilaafkii u dhaxeeyay ganacsatada iyo maamulka dekedda Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in marka laga soo tago lacagaha lagu soo rogay ay dhanka kale si weyn u diidan yihiin amar kale oo ay Dowladda ku soo rogtay oo ah in Badeecooyinka ganacsatada lagu baaro gudaha Dekedda.

“Waxaa nagula soo rogay ammar ah in badeecooyinka aan la soo degno, gaar ahaan Bagaashka aan ku xareyno Bakhaarrada Dekedda, kaddibna baaritaan lagu sameeyo, arrintaas waxaa ka imaaneysa dayacaad badeeco, burbur badeeco iyo kharashaad dheeri ah oo nagu gala dib u xir-xiridda alaabta, sidaas darteed amarkaas waan ka soo horjeednaa”ayuu yiri Feysal Cabdulle Xasan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay isqabtaan Maamulka Dekedda Muqdisho oo fulinaya amarro uga yimid dhinaca Dowladda Dhexe iyo Ganacsatada Dekedda wax kala soo dega , waxaana jirtay in ay dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale isugu dhaceen, walow ugu dambeyntii xal laga gaaray khilaafkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya