Wariyihii Idaacadda Shabeelle ee Gobollada Bay iyo Bakool oo la xiray

Axad, November 01, 2009(HOL): Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka taliya Magaalada Baydhabo ayaa wuxuu shalay xabsiga u taxaabay Wariyihii Idaacadd Shabeelle ee Gobollada Bay iyo Bakool Muxyaddiin Xusni.

Rag hubeysan oo ka amar qaata Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa la sheegay in ay Wariyaha ka kaxeysteen gudaha Idaacadda Warsan ee Magaalada Baydhabo, kaasi oo xalay ku baryay xabsiga magaaladaas.

Lama oga ilaa iyo haatan sababta ka dambeysa xarigga Wariyahan, waxaase loo maleynayaa in loo xiray sabab la xiriirta warar uu Idaacadda Shabeelle uga soo tebiyay Gobollada Bay iyo Bakool. Hayeeshee waxaa socda dadaallo lagu doonayo in wariyahaas xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo

Dhawaan ayay ahayd markii Maamulka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee gacanta ku haya Magaalada Baydhabo uu albaabada u laabay labo Idaacadood oo magaaladaas ku yaalla, kuwaasi oo lagu kala magacaabo Warsan iyo Jubba.

Kulan dhexmaray Madaxda Maamulkaas iyo Aqoonyahanno ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa waxaa maalmo ka hor looga wada hadlay sidii xayiraadda looga qaadi lahaa labadaas Idaacadood, iyadoo mas’uuliyiinta maamulkana ay u sheegeen Aqoonyahannada in Idaacadaha ay dib u howlgeli doonaan kaddib marka loo sameeyo sharci ay ku shaqeeyaan oo uu ku jiro qodob faaf-reeb ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya