Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaanka Jante-kuundisho oo fariisin u aheyd Ciidamada Xisbul Islaam.

Axad, November 01, 2009(HOL):  Waxaa wali halkiisii ka sii soconaya dagaal duleedka Magaalada Beledweyne ku dhexmaraya Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Xisbul Islaam oo maalmihii aynu soo dhaafnay Maamulka u hayay Magaalada Xarunta u ah Goballka Hiiraan ee Beledweyne.
 
Dagaalka xooggiisa oo dhacay gelinkii dambe ee shalay ilaa laga soo gaaro fiidnimadii xalay ayay xoogagga u dagaallamaya Dowladda Soomaaliya waxaa u suurta gashay in ay la wareegaan is-goyska Jante-kuundisho oo markii hore saldhig u ahaa Ciidamada Xisbul Islaam oo hadda warar soo baxaya sheegayaan in ay dib u sii guranayaan.
 
Af-hayeen u hadlay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo lagu magacaabo Cagajoof ayaa sheegay in dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay buuraha Jante-kuunsho khasaare ugu geysteen dhinaca kale ee ka soo horjeeda, waxaana uu intaas raaciyay in hadda ay iyagu gacanta ku hayaan Magaalada Beledweyne mar haddii aynu la wareegnay ayuu yiri Is-gooyska Jante-kuundisho oo ah waddo muhiim ah.
 
Dhinaca Saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan dagaalka ka socda duleedka Magaalada Beledweyne oo hadda u muuqda mid intiisa badan soo gaba gaboobay.
 
Dhinaca kale Guddoomiyihii Goballka Hiiraan ee kol hore sheegay in uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam ayaa maqnaashiisa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan, kaddib markii Guddoomiyaha iyo Saraakiisha Ururkii uu ka tirsanaa uu soo kala dhaxgalay khilaaf la xiriira dhinaca Maamulka.
 
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow hadda wuxuu ku sugan yahay deegaan aan ka fogeyn Tuulada lagu magacaabo Goobo oo ka tirsan Goballka Hiiraan ayaa wararka khaar sheegayaan hadda uu bilaabay wada hadal u dhaxeeya isaga Odayaasha deegaanka, isaga oo kala hadlaya sidii loo dhax dhaxaadin lahaa isaga iyo Saraakiil ay mar ka wada tirsanaan jireen Dowladda Soomaaliya oo hadda jooga deegaannka Goobo.
 
Inkastoo wararkaasi yihiin kuwo aan si dhab ah loo wada qaadan karin ayaa haddana waxaa hubaal ah in khilaaf adag uu soo kala dhaxgalay Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow iyo Ururka Xisbul Islaam oo mar hore uu ku biiray.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]