Arbaco, 27 May 2009 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, ayaa socdaal kedis ah oo aan hore loo shaacinin ugu kicitimay Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.
Socdaalka Madaxweynaha Somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin, oo aan la shaacin mudada uu qaadan doono ayaa Afhayeenka Madaxtooyada Md. Siciid Caddaani Moogge wuxuu ku tilmaamay in uu la xidhiidho sidii M/weynuhu uga war heli lahaa xogta xaqiiqada nolasha ee ka jirta Gobolka Saaxil ee xiligan.
Afhayeenka oo Magaalada Berbera saxaafada kula hadlayay ayaa u sheegay in Weftigan Madaxweynaha ee booqashada ku jooga Magaalada Berbera ay ku weheliyaan Wasiirada Arrimaha Gudaha, Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dr. Idiris Ibraahim Cabdi iyo masuuliyiin kale, isla markaana la dejiyay Guriga Martida ee Berbera, kuwaas oo Shirar la yeelan doona masuuliyiinta Gobolka Saaxil, Golaha deegaanka iyo laamaha kala duwan ee Hay’adaha dawliga ah ee Gobolkaas.
Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa halkaa ku soo dhaweeyay oo ka soo galbiyay meel u dhaxaysa Magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Degmo ee Gobolka Saaxil.
Madaxweynaha Somaliland intii uu ku sii jiray jidka waxa lagu soo dhaweeyay tuulada Sh. Abdaal ee gobolka Saaxil, waxa kale oo sida wararku ay sheegayaan uu sii maray degmada Mandheera ee gobolka Saaxil oo uu ku yaalo dugsiga tababarka ciidamada Booliska iyo Asluubta.
Socdaalka Madaxweynaha Somaliland ee magaalada Berbera ayaa ku soo beegmaya xili lagu gudo jiro wakhtigii kulaylaha, isla markaana ay adeegyada bulshada iyo dhaqaalaha Gobolka Saaxil uu marayo meeshii ugu hoosaysay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland