Arbaco, May 27, 2009(HOL): Qoysas degan xaafadaha u dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ayaa si weyn uga walaacsan madaafiic lagu weeraro Xarunta Madaxtooyada, kuwaasi oo mararka qaarkood ka ambada bartilmaameedkooda kaddibna ku dhaca guryo ay dad rayid ah degan yihiin.
Walaaca ay qoysaskan qabaan ayaa wuxuu sii kordhay kaddib markii shalay xaafado u dhow Madaxtooyada, gaar ahaan Xaafadda Shiikh Suufi ay ku dhaceen Madaafiic khasaare dhimasho iyo dhaawac ah geystay, waxaana ugu waxyeello badnaa madfac qoys 8 ruux ka koobnaa ka soo reebay hal ruux.
Dadka ku nool xaafadaha u dhow madaxtooyada ayaa qaarkood waxay bilaabeen in ay guryahooda ka barakacaan, waxayna qaarkood sheegeen in intii ay dagaallada ka dhacayeen Magaalada Muqdisho 18-kii sano ee la soo dhaafay aysan meelna u barakicin balse ay haatan danta ku kalifeyso in ay guryahooda ka cararaan.
Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay had iyo jeer madaafiic ku bartilmaameedsadaan xarunta Madaxtooyada, iyadoo madaafiicdaas qaarkeedna ay ka gudbaan bartilmaameedkooda, kaddibna ay ku dhacaan xaafado ay dad rayid ah degan yihiin.
Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa haatan waxay tahay mid ay wada saameysan colaadda u dhaxeysa Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, waxayna taasi keentay in ay dad badan ka qaxaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay maciin bidaan duleedyada magaalada, halkaasi oo aysan ku heysan adeegyadii aas-aasiga ahaa ee lagama maarmaanka u ah nolosha bani’aadamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya