Ould Abdallah oo booqahso qarsoodi ah ku tegay Muqdisho, lana kulmay madaxda Dowladda Soomaaliya (Daawo Sawirrada)


Arbaco, May 27, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa dorraad booqasho qarsoodi ah ku tegay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ould Abdallah ayaa markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho wuxuu Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo xubnaha Golaha Wasiirrada.

Kulamadaas oo ahaa kuwo ay albaabada u xirnaayeen ayaa ilo ku dhow dhow xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha waxay sheegayaan in labada dhinac ay ka wada hadleen Xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaallada ay Dowladda kula jirto kooxaha ka soo horjeeda.






Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya