Arbaco, May 27, 2009(HOL): Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa gudaha u galay mid ka mid ah Hotellada ku yaalla Magaalada Beledweyne oo ay kulan ku la haayeen rag horay uga tirsanaan jiray Midowgii Maxkamadaha isla markaana si weyn looga yaqaano Goballka Hiiraan, kadib markii uu Maamulku u arkay in kulankaasi ahaa mid ka soo horjeeda nidaamka Siyaasadeed ee hadda ka jira Goballka.
Odayaasha leyska hortaagay kulanka oo markii danbe la geeyay xarunta Maamulka Goballka Hiiraan ayaa sida HOL ay u sheegeen Saraakiil si weyn ugu dhaw dhaw Xarunta maamulka Goballka waxaa la weydiiyay Su'aalo dhowr ah oo ku saabsan kulanka ay la haayeen iyo ujeedada Socdaalkooda maadaama qaarkood la sheegay in ay ka soo anba baxeen Magaalada Muqdisho.
Hase ahaateen ma jirin wax xarig ah oo lagula kacay raggaasi Odayaasha ah ee Maamulka ka joojiyay kulanka ay la haayeen, waxaase warar hoos oo soo baxaya sheegaan in amar lagu siiyay in aysan qaban kulamo iyo shir ka soo horjeeda Maamulka iyo nidaamka guud ee dalka ka jira.
Maamulka Islaamiga ee Goballka Hiiraan ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay dagaalladu ka dhaceen qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan waxaa uu waday howl-galo iyo dhaq dhaqaaqyo uu si weyn isha ugu godayay howlaha ka dhanka ah arrimaha Nabad-galyada.
Guddoomiyaha Maamulka Goballka Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa kol hore sheegay in marnaba aan loo dul qaadan doonin arrimaha wax u dhimaya xisiloonida iyo daganaasha isla markaana maamulkiisu ka hortagi doono wax kasta oo looarko in ay khatar ku yihiin Nabad-galyada guud.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan oo is-hortaag ku sameeyay kulan ka socday Hotel ku yaala Magaalada Beledweyne
More News
- Maamulka Gobolka Banaadir oo Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool ugu baaqay in ay dhisaan Waddooyinka Magaalada Muqdisho
- Madaxweyne Rayaale oo socdaal kedis ah ku jooga Magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil
- Qoysaska degan Xaafadaha u dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya oo ka walaacsan madaafiic habow ah oo Xaafadahooda ku soo dhacda
- Ould Abdallah oo booqahso qarsoodi ah ku tegay Muqdisho, lana kulmay madaxda Dowladda Soomaaliya (Daawo Sawirrada)
- Munaasabadda Xiritaanka Toddobaadka Ciyaaraha Saaxibtinimada Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka dhacday magaalada Djibuuti