Arbaco, June 10, 2009(HOL): Shirkii 15aad ee ay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya ay ku yeelatay Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa la soo gebagebeyay, iyadoo laga soo saaray warmurtiyeed dhowr qodob ka kooban oo ku saabsan arrimaha Dalka Soomaaliya.
Shirkan oo uu shir guddoominayay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah, isla markaana ay wadajir u fureen Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Franco Frattini ayaa wuxuu socday intii u dhaxeysay 9-kii ilaa 10-kii bishan.
Kooxda ICG waxay ugu horreyn soo dhaweysay go’aan ay Dowladda Soomaaliya ku gaartay in ay dalka Soomaaliya gaarsiiso deganaan siyaasadeed iyadoo u mareysa hannaan laga wada qeybgalo oo xal-doon ah. Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya ayaa ugu baaqday Dowladda Soomaaliya in ay dhameystirto geedi-socodka dib u heshiisiinta Soomaalida, ayna gaarsiiso dadka ka maqan.
Kooxda ICG waxay kalsooni ka muujisay dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay ku hesho nidaam leh la xisaabtan iyo cad-caddaan dowladnimo, kaasi oo ay ku abuureyso dowlad-wanaag si ay u muujiso kalsooni ay ku qabaan ururrada iyo hay’adaha la shaqeeya.
Warmurtiyeedka ay soo saartay Kooxdan waxaa kale oo loogu baaqay dhammaan dhinacyada in ay taageeraan dhaqaaqa laga wada qeybqaadanayo ee lagu taageerayo Dowladda Soomaaliya haddii ay ahaan lahayd dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Farsamada, si markaasi bey tiri kooxdu ay awood ugu yeelato dowladda in ay amniga wax ka qabato, shacabka difaacdo, adeegyadii bulshada ay soo celisho, shaqooyinna ay u abuurto dhalinyarada. “ICG waxaa ka go’an in ay ka qeybqaadato soo celinta xasiloonidii, amnigii iyo barwaaqadii Soomaaliya”ayaa lagu yiri Warmurtiyeedka ka soo baxay ICG.
Kooxdan la baxday Xiriirka Caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya waxaa loogu baaqay Beesha Caalamka in ay dedejiso bixinta dhaqaalihi Dowladda Soomaaliya loogu yaboohay Shirkii ka dhacay Dalka Belgium, iyadoo Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobayna loogu baaqay in ay soo gudbiyaan warbixin ku saabsan dhaqaalaha la helay, kaasi oo loogu talagalay in la dhiso ciidamo Soomaaliyeed iyo in lagu xoojiyo ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Intii uu socday Shirkan Kooxda ICG waxaa lagu cambaareeyay isku daygii kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay isku dayeen in ay af-gembiyaan Dowladda Soomaaliya, waxayna soo dhaweysay baaq dhawaan ka soo baxay Urur Goboleedka IGAD iyo Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika, kaasi oo ku baaqayay in wada tashi deg deg ah laga yeesho soo jeedintoodii ahayd in xayiraado lagu soo rogo kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena cunaqabateyn la saaro Dowladda Eritrea.
Kooxdani waxay kaloo soo dhaweysay la dagaallanka burcad badeedka Soomaalida oo ay sheegtay in ay yihiin khatar caalami ah, mid saameysay dadka Soomaaliyeed iyo weliba gargaarka bani’aadannimada.
Ugu dambeyntiina, Shirkan ay Roma ku yaalatay Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee Arrimaha Soomaaliya waxaa ka qeybgalay wakiillo ka socday: Midowga Afrika, Guddiga Midowga Yurub, Xoghaynta Golaha Midowga Yurub, Madaxweynaha Midowga Yurub oo sanadkan ka soo jeeda (Czech Republic), Jaamacadda Carabta, Fadhiga Ururka Islaamka, Qaramada Midoobay, Bangiga Adduunka iyo Dalalka Belgium, Canada, China, Denmark, Djibouti, Egypt, Ethiopia, Finland, France, Germany, Italy, Japan, Kenya, Malaysia, Netherlands, Norway, Somalia, Spain, Sudan, Sweden, Switzerland, Tanzania, Britain, USA iyo Yemen.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya