Arbaco, 10 June 2009 (HOL): Axsaabta Mucaaradka ah ee Somaliland ayaa si wada-jir ah qoraal ku aaddan arrimaha Doorashooyinka iyo qabsoomiddooda ugu gudbiyay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah.
Sida lagu sheegay Qoraal ay wada-jir ugu saxeexan yihiin ku-simaha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ahna Guddomiye-xigeenka Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo nuqul ka mid ah HOL helay, Axsaabta Mucaaradku waxay shalay ku wargeliyeen Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah inay aqbaleen qoddobada Qoraalka ay Deeq-bixiyayaashu wada-jir ugu soo direen saddexda Xisbi iyo Dawladda 27-kii bishii May ee aynu ka soo gudubnay. Qoraalkaas oo lagu socodsiiyay Guddoomiyaha Guddida Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland Mr. Richard Hands, ayaa isaga oo dhammaystiran wuxuu u dhignaa sidan;
“MMudane Mr. Hands, Anaga oo tixraacayna Waraaqdaadii ku taariikhaysnayd 27-kii May 2009, Xisbiyada Mucaaradka ah ee Kulmiye iyo Ucid waxay si buuxda u aqbaleen shuruudihii ku qornaa Warqaddaas.
Waxaanu taageersanahay in mid ka mid ah shuruudahani aanay cusbayn, run ahaantii waxaad hore uga sheegteen kulamo hore oo aynu yeelanay. Dhinaccayaga, waxaanu rumaysanahay buuxinta shuruudahani in ay hirgelin doonto Doorasho Madaxtooyo oo xor iyo xal ah, taas oo hore u baaqatay. Sidaad hore u tilmaanteen, run ahaantii Barnaamijka Dimuqraadiyadaynta Somaliland waa horumar taariikhi ah, dadka reer Somaliland-na waxay si ballaadhan ugu faraxsan yihiin taageerada qiimaha leh ee Deeq-bixiyayaasha, taas oo aan la’aanteed socdeen ama hirgaleen hawshani.”
Qoraalkan Axsaabta ayaa wuxuu ka ka dambeeyay ka dib markii ay Deeq-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka taageera dhinaca Dooorashooyinka, 27-kii bishii May ee aynu ka soo gudubnay si wada-jir ah qoraal ugu soo direen saddexda Xisbi Qaran iyo Dawladda. Kaas oo ay ku sheegayaan in haddii aan la fulin qoddobada uu qoraalkaasi xambaarsanaa aanay Kharashka Doorashada soo socota ee la filayo in ay dalka ka dhacdo bixin doonin.
Qodobada qoraalkan ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen, in saddexda Xisbi wada-jir u samaystaan Xeer Anshaxeed, kaas oo dhigaya farqado ay ka mid yihiin, in Axsaabtu u sinnaadaan Hantida iyo Warbaahinta Qaranka iyo in la magacaabo guddi dhexdhexaad ah oo wax goyn karta, isla markaana u xil-saaran xallinta wixii khilaafyo ah ee ka soo baxa natiijada Doorashada iyo inta Doorashada ay socotoba. Guddidan dhexdhexaadka ah oo ay ka heshiin doonaan Axsaabta, Komishanka iyo Deeq-bixiyaashu, ayaa la sheegay in waqtiga ay shaqayn doonaan tahay, laga bilaabo ansixinta Xeer anshaxeedka ilaa gebo-gebada Doorashada. Waxa kale oo qoraalkan qoddobadiisa ka mid ahaa in, Axsaabtu ay ka tashadaan arrimaha horyaala Komishanka iyo waxqabadkooda. Taas oo sida ay sheegeen dad xog-ogaal ahi kulan ay Axsaabta Mucaaradka ahi la yeesheen Xisbiga UDUB ugu jeediyeen in la kordhiyo tirada Xubnaha Komishanka iyo sidoo kale ka arrinsiga sida laga yeelayo Guddida dhexdhexaadka ah magacaabistiisa. Waxaanay Wararka aanu kulankaa ka helnay ay sheegeen in ay isku maandhaafeen oo ay u qaybsameen Axsaabta Mucaaradka ah oo isku aragti ah iyo Xisbul-xaakimka oo arrintaa ka biyo-diiday.
Dhinaca kale, siday Wararkaasi ay intaa ku darayaan in qoddobada qoraalkan Deeq-bixiyayaashu soo gudbiyeen uu ka mid ahaa, qodob ay gaar ugu socodsiiyeen Dawladda, kaas oo dhigayay in qaybta ay Dawladdu bixinayso Lacagta ku baxaysa Doorashada ay Dawladdu bixiso 15-ka Bishan June, kuna shubaan Xisaab (Account), isla markaana ay hagaan Deeq-bixiyayaashu. Waxaana ugu dambayntii qodobadaas ka mid ahaa in, Dawladda Somaliland ay Deeq-bixiyayaasha u gudbiso qorshe tifaf-tiran oo ku saabsan habka ay amniga dalka u sugayaan, taas oo sida la sheegay ay sheegeen in haddii aan la soo gudbin, isla markaana ay ku qancin Deeq-bixiyayaal ahaan aanay bixinayn Lacagta Doorashada ku baxaysa.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland