Arbaco, June 10, 2009(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu todobaadka soo socda shir ku yeesho Magaalada Muqdisho, kaddib markii ay muddo 2 bilood ku dhow ay kulamadiisa u qabsoomi waayay ammaanka Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka oo noqotay mid aan la isku halleyn karin.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe ayaa sheegay in ay mudanayaasha baarlamaanka shir isugu imaan doonaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in xaruntii hore ee Gaadiidka laga wareejiyay kulamada Baarlamaanka, isagoo ka gaabsaday in uu sheego halka loo wareejiyay kulamada Baarlamaanka.
Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in 15-ka bishan uu shirkooda ugu soo horreeya qabsoomi doono, isagoo xusay in maalinta Khamiista ah ay mudanayaasha ku wargelin doonaan in ay shirkaas ka soo qeybgalaan,.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka in shirkooda ugu soo horreeya ay uga doodi doonaan mooshin ku saabsan heshiiskii is-fahamka ahaa ee dhawaan dhexmaray Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.
Dabayaaqadii bishii April ee aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii shir ka socday Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ahayd Xaruntii Gaadiidka Booliska lagu kala cararay kaddib nawaaxiga Xaruntaas lagu garaacay madaafiic hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya