Maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo oo digniin u jeediyay Xoogag uu wato Xildhibaan Barre Hiraale oo weerar ku soo ah Gobolkaas

Arbaco, June 10, 2009(HOL): Maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobolka Gedo ayaa uga digay Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugan Degmada Doolow in ay isku dayaan in ay weerar ku soo qaadaan deegaanno ka tirsan Gobolka Gedo.

Shiikh Ismaaciil Aadan Xaaji oo ah Guddoomiyaha maamulka Islaamiga ah ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in haddii Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo abaabul dagaal ka wada Degmada Doolow ay soo weeraraan ay ka hortegi doonaan, wuxuuna caddeeyay in haddii ay qabtaan cid dagaal kala soo horjeesata ay qoorta ka goyn doonaan.

“Waan la soconnaa abaabullada ay ka wadaan Doolow, waana ka hortegi doonna annaga oo kaashaneynaa Allaah SWT, waana ka guuleysan doonnaa”ayuu yiri Shiikh Ismaaciil Aadan Xaaji oo sidoo kale digniin u jeediyay dad uu sheegay in ay ku sugan yihiin Gobolka Gedo, isla markaana ay la shaqeynayaan Xildhibaannada weerarka ku soo ah.

Shiikh Ismaacil Aadan Xaaji waxaa uu dhanka kale sheegay in uu weli taagan yahay cafis ay u fidiyeen xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Doolow, isla markaana haddii ay isa soo dhiibaan ay cafiskaas ka faa’iideysan doonaan.

Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Col. Barre Aadan Shire Hiiraale iyo Maxamuud Sayid Aadan ayaa indhawaalaba la soo sheegayay in ay isu diyaarinayaan sidii ay weerar ugu qaadi lahaayeen maamulka Islaamiga ah ee ka taliya Gobolka Gedo, kaasi oo horay ugala wareegay gacan-ku-heynta Gobolkaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya