Xoogagga Maxkamadaha Islaamka Garabka Asmara, Raas-kambiini, Caanoole iyo Jabhul Islaamiya ee ka dagaallama Soomaaliya oo Isbaheysi sameystay

Isniin, January 05, 2009(HOL): Xoogagga Maxkamadaha Islaamka Garabka Asmara, Raas-kambiini, Caanoole iyo Jabhul Islaamiya ayaa maanta waxay ku dhawaaqeen in ay sameysteen Isbaheysi ay ku mideysan yihiin.

Afartaan Kooxood ee maanta Isbaheysiga sameystay oo dhamaantood dagaal kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya ayaa waxay sheegeen in ay ciidan ahaan iyo siyaasad ahaan midoobeen, haatan wixii ka dambeeyana ay ku fekerayan sidii ay u sameysan lahaayeen magac ay ku mideysan yihiin.

Shiikh Axmed Cumar oo ah Guddoomiyaha Jabhul Islaamiya oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay dhinacyadan Muqdisho ku qabteen ayaa wuxuu  sheegay in shirar muddo u socday ay ugu dambeyntii ka soo saareen qodobo ay ka mid yihiin:

In ay meel iska dhigeen khilaafka u dhaxeeya Xoogagga Muqaawamada
In ay tahay  guul u soo hoyatay Umadda Soomaaliyeed haddii ay Itoobiyaanka baxaan
In Ciidamada Amisom ay la dagaallami doonaan ilaa ay dalka ka baxaan, ayna sidoo kale la dagaallami doonaan ciidamo kasta oo shisheeye oo dalka la keeno
In heshiiska Jibouti uusan faa’iido u lahayn Umadda Soomaaliyeed
In aysan muqaawamada u deg degin la wareegidda meelaha ay ka baxaan Ciidamada Itoobiya
In Mujaahidiinta ay soo dhaweynayaan dadaalka ay culumada wadaan ee ku aadan mideynta mujaahidiinta

Ku dhawaaqista Isbaheysiga ay sameysteen afaran kooxood ee ka tirsan Muqaawamada ka dagaalanta Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo dhawaan Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu sheegay in ay midoobeen Al-Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamka, walow Afhayeen u hadlay maxkamadaha Islaamka uu arrintaas beeniyay.

Dhanka kalena, Shiikh Xasan Mahdi oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamka Garabka Asmara oo isna Shirka Jaraa’id ka hadlay ayaa wuxuu soo hadal qaaday dagaallo maalmahan ka soo cusboonaaday gobollo ka tirsan Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dagaalladaas ay soo abaabushay Itoobiya oo uu sheegay in ay fashilantay dagaalkii ay ka waday gudaha Soomaaliya.

“Waxaad la socotaan in ay Galgaduud dagaallo ka rideen, Hiiraan ay soo galeen, Gedo iyo Bay-na ay shalay iyo maanta ku sugan yihiin iyagoo abaabulaya Maleeshiyooyin magacyo kale wata oo dagaallo hor leh ka ridaya dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Xasan Mahdi oo intaas ku daray in Itoobiya in ay Soomaaliya ka baxdo iska daaye ay haatan Ciidamo hor leh soo gelineyso.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia