Uganda iyo Burundi oo ka wel welsan aayaha Ciidamadooda ku sugan Muqdisho kadib markii ay baxaan Ciidamada Itoobiya

Isniin, January 05, 2009(HOL): Dowladaha Uganda iyo Burundi oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya ayaa waxay si weyn uga walaacsan yihiin sida uu noqon doono xaalka Ciidamadooda ku sugan Magaalada Muqdisho kadib marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya.

Wasiirrada Gaashaandhigga labada dal oo ku shiray Magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ayaa waxay ka wada hadleen xaaladda ciidamadooda ku sugan Magaalada Muqdisho oo tiradooda gaareyso 3,200 oo Askari.

Wasiirka Gaashaandhigga Burundi Germain Niyoyankana ayaa sheegay in ay ka fiirsanayaan in ay Ciidamadooda sii joogaan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftyay in haddii ay sii joogayaan ay u baahan yihiin la helo ciidamo dheeraad ah oo ka socda Midowga Afrika, in waqtiga loo kordhiyo, in awood loo siiyo in ay jawaab ka bixin karaan haddii la soo weeraro iyo in ay  mararka qaarkood howlgallo sameyn karaan.

Dalalka Nigeria, Ghana iyo Koofur Afrika ayaa waxay horay u ballanqaadeen in ay ka qeyb qaadanayaan howlgallada nabad ilaalinta Soomaaliya, hayeeshee ilaa iyohaatan midkoodna ma soo dirin wax ciidamo ah.

Hadalkan Wasiirradan ka socda Dowladaha ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya ee kala ah Uganda iyo Burundi ayaa wuxuu ku soo aadayaa iyadoo Dowladda Itoobiya ay sheegtay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, tiiyoo ay xusid mudan 2-dii bishan ay Muqdisho ka baxeen qaar ka mid ah Ciidamadeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia