Isniin, January 05, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in duleedka degmadaas ay maanta ku dagaallameen Maleeshiyooyin Soomaali ah oo ka yimid dhinaca Gobolka Gedo iyo Xoogag Islaamiyiin ah oo jidka u galay.
Maleeshiyooyinka Soomaalida ah ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen kuwo shalay gaaray Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo kala ah Beled-Xaawo iyo Buur-Dhuubo, iyadoo dagaalka labada dhinac dhexmarayna uu ahaa mid xooggan oo rasaas noocyo kala duwan leh la isugu adeegsaday.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu dagaalkan geystay iyadoo sababtuna ay tahay in halka dagaalka ka dhacay ay ka fog tahay Degmada Qansax-dheere, sidaas darteedna aysan jirin cid ogaan karta khasaaraha dagaalka iyo weliba ciddii dagaalka ku itaal roonaatay.
Dhanka kalena, Ciidmo Itoobiyaan ah oo wata gaadiidka dagaalka oo aad u badan ayaa waxay gaareen Degmada Garba-haarey ee Gobolka Gedo, iyadoo halkaasina aysan kala kulmin wax iska caabin ah.
Waa degmadii seddexaad oo ka tirsan Gobolka Gedo oo ay Ciidamada Itoobiya gaaraan, waxaana degmooyinkaas dhawaanahan ka talinayay Xoogag Islaamiyiin ah oo haatan lagu soo waramayo in ay isugu tageen Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia