Isniin, January 05, 2009(HOL): Wararka naga soo gaaraya degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dab ka kacay suuqa ku yaala Degmadaas uu baab’iyay dukaamo badan oo waxyaabo kala duwan lagu iibin jiray.
Dabkan oo la ogeyn wixii uu ka dhashay ayaa wuxuu sababay in ay gubtaan dukaamo tiro badan oo ganacsi kala duwan lagu hayay, lagumana guuleysan in dabkaas la demiyo sabab la xiriirta iyadoo aan la helin wax dab-demis ah.
Guddoomiyaha Degmada Beled-Xaawo Axmed Maxamed Bur-kuus ayaa sheegay in dabka ka kacay Suuqa Degmada uu baabi’iyay hanti badan oo ay lahaayeen Ganacsatada Degmada, wuxuuna caddeeyay in uu ka xun yahay in ay dabkaas ku hanti beeleed dad badan oo dabkaas ka hor xoolo heystay.
Habeen hore ayay ahayd markii uu sidoo kale dab ka kacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo uu baabi’iyay goobo ganacsi oo degmadaas ku yaala. Waxaa la is-weydiinayaa sababta labo habeen oo isku xigta ay u gubteen goobaha ganacsi ee ku yaala Degmooyinka Gobolka Gedo.
Dhanka kalena, waxaa dib uga laabtay Degmooyinka Buur-dhuubo iyo Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo Ciidamo Itoobiyaan ah oo shalay halkaas gaaray, kuwaasi oo galbinayay maleeshiyooyin Soomaali ah oo ay la socdeen mas’uuliyiinta maamullo ay xoogag Islaamiyiin ah ka awood roonaadeen oo ka talinayay Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia