Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Shirkadaha Diyaaradaha ugu baaqay in ay Duulimaadyadooda ka sii wataan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho

Khamiis, September 25, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ugu baaqay Shirkadaha Diyaaradaha inay duulimaadyadooda ka sii wataan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo muddo 9 maalmood ah aysan ka soo degin diyaarad ganacsi ah.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa uu sheegay in Shirkadaha looga baahan yahay in aysan u hoggaansamin kooxo sida uu yiri doonaya in ay dadka shacabka ah cunaqabateeyaan, wuxuuna caddeeyay in uu ka xun yahay dad badan oo u geeriyooday sabab la xiriirta xirnaashaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa hadalkan jeediyay wax yar kadib markii diyaarad wadday ay saaka ka soo degtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadd ee Magaalada Muqdisho, iyadoo aaney jirin wax carqaladeyn ah oo diyaaraddaas lagu sameeyay.

Mar uu ka hadlayay Ra’iisal Wasaaraha Wada hadallo Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uga socda Dalka Jibouti waxaa uu sheegay in ay wada hadalladaas meel wanaagsan marayaan, isla markaana ay dhawaan ergooyin labada dhinac ka kala socda ay kulan kale isugu imaan doonaan.

“Wada hadallada soo socda waxaan rajeyneynaa in ay ka soo baxaan miro wanaagsan oo ay u aayi doonaan dadka Soomaaliyeed ee mudada dheer dhibaatada ku jira”ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha oo Warfidiyeennadii uu la hadlayay kaga cudur-daartay in ay su’aalo weydiiyaan sabab la xiriirta in uu daallan yahay.

Wuxuu ku celiyay baaq uu horay ugu jeediyay kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ee aan ku jirin Wada hadallada u socda Dowladda iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in uu kooxahaas u furan yahay albaabka wada hadalka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa tan iyo markii loo magacaabay Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya waxaa uu isku dayayaa sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in markii la doortay uu sheegay in uu seddex qodob wax ka qaban doono, kuwaasi oo kala ahaa: in uu nabadda ka shaqeyn doono, in uu Dib u heshiisiin la geli doono Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda iyo in uu fududeyn doono Gargaarka Bani’aadannimada, si loo gaarsiiyo dadka u baahan ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia