Khamiis, September 25, 2008(HOL): Waxaa isa soo taraya cabashada Gaadiidleyda ka xoogsata deegaanno ka tirsan Gobalka Hiiraan ka muujinayaan Rasaas aan loo meel dayin oo ay Ciidamada Itoobiyaanku ku soo ridaan marka ay damcaan Gaadiidleydu in ay maraan gooob ka baxsan wadada Jante-kuundisho.
Cabashadan oo ah mid Gadiidleyda loo gudbiyay Golaha Odayaasha Dhaqan iyo waliba xitaan xubnaha ka tirsan Maamulka ee ku sugan xerada ay degan yihiin Ciidamada Itoobiya ayaa ka dhalatay Madaafiic iyo Rasaas dhowr jeer oo kala duwan lagu riday Gaadiidka Rayidka ah ee u safra deegaannada aan wax badan ka durugsaneyn Magaalada Beledweyne kuwaas oo ay ku adag tahay in ay soo maraan dhinaca Jante-kuundisho.
Habeen hore ayay aheyd markii gaari ay saarnaayeen Dad rayid ah oo marayay waddo hoosta ka marta Xerada Ciidamada Itoobiya ee Jante-kuundisho lagu soo riday Rasaas sababtay dhaawaca labo ruux oo rayid ah kuwaas oo la dhigay Isbitaalka guud ee Magaalada Beledweyne.
Waxaana weerarka lagu qaaday gaarigaa uu ku soo beegmay sidoo kale xili dabayaaqadii Todobaadkii ina dhaafay Ciidamada Itoobiyaanku Rasaas culus la heleen Gaari dhagaxle ah oo marayay goob ka durugsan Jante-kuundisho kaasoo uu qof rayid ah ku dhaawacmay.
Gaadiidleydu waxaa ay sheegeen in wax laga xumaado tahay weerarrada lagu qaadayo Gaadiidka shacabka, taasoo keeni karta ayay sheegeen in isu socdka gudaha Gobalka uu meesha ka baxo.
Mid ka mid ah Gaadiidleyda oo ay HOL weydiisay waxa ku jaban in ay u hogaasamaan amarka Ciidamada ee ah in la soo maro Koontaroolka Jante-kuundisho waxaa uu yiri "' Suurta gal uma ah gaari u socda tuulo aan wax badan ka durusaneyn Magaalada Beledweyne in uu tago Jante-kuundisho markaana dib ugu soo laabto jidkiisii hore oo ah masaafo kala durugsan”.
Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu horay u sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan Gaadiidka mar meel aan aheyn Wadada Jante-kuundisho oo ay Ciidamadu ku leeyihiin Bar ay kala socdaan dhaq dhaqaaqa Magaalada Beledweyne.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Gaadiidleyda Magaalada Beledweyne oo ka cabaneysa Rasaas Ciidamada Itoobiyaaku ku soo ridaan marka ay marayaan goobaha ka baxsan wadada Jante-kuudisho
More News
- Shiikh Xasan Turki oo Cudur-daar ka bixiyay hadal uu sheegay Sarkaalka ugu sareeya Ciidamadiisa
- Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo Shirkadaha Diyaaradaha ugu baaqay in ay Duulimaadyadooda ka sii wataan Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho
- Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo ku baaqay in la furo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
- Diyaarad waday Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo si nabadgelyo ah uga degtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho
- Xoogag ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka oo xalay weerar ku qaaday guryo ay Magaalada Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya
- Diyaarad Shixnad dawo ah u siday Isbitaallada Keysaney iyo Madina oo ka degtay Garoonka Diyaraadaha Jowhar
- Shaqaaqo ka dhacday xulasho Dad Shaqaale ah oo ay doonayeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland