Shaqaaqo ka dhacday xulasho Dad Shaqaale ah oo ay doonayeen Guddiga Doorashooyinka Somaliland

Khamiis, September 25, 2008(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland Maxamed Ismaaciil Maxamed (Kaba-weyne), ayaa ka hadlay shaqaaqo ka dhalatay kala doorashada Dad Araaji u qorotay Komishanka Doorashooyinka, si ay uga mid noqdaan Shaqaalaha loo qaadanayo Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha Doorashooyinka. Waxaanu dedafeeyay inay jireen wax khasaare ah oo dhacay. Hase yeeshee, waxa jiray Rasaas ka dhacday Goobtii  Imtixaanka lagaga qaadayay dadkaas.

Guddoomiyaha oo Waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Ogaal, ayaa waxa uu ka hadlay sababta ay Ololaha Diiwaangelintu u bilaabmi wayday waqti hore oo ay ahayd inay bilaabanto 19-kii bishan.

Waraysigaasi oo dhammaystirani wuxuu u dhacay sidan;

S: Guddoomiye, waxaad imtixaankii ka qaadayseen dadkii codsiyada u soo qortay hawsha diiwaan-gelinta, marka laga reebo intii aad Jaamacaddaha ka qaadateen, rabshad baana ka dhalatay, siday wax u dhaceen?

J: Wallaahi dadkani maaha dadkan imaku dadkii hore ee la yaqaanay oo waa dad dhalinyaro iska qaribaya wakhtigooda. Iyagaa loo shaqaynayaa, wanaaga dalkana iyaga ayaa loo doonayaa, iyaguna ma oga oo inay is arbushaan ayay doonayaan.

S: Markaa dhalinyaradu ma iyagaa rabshad sameeyay?

J: Waxa weeye nidaam ayaa la doonayaa. Horta marka hore anagu waxaanu u baahanay 720 qof oo inamada IT-ga (Culuunta Cumputer-ka) ku wanaagsan ah. Inamadaa markaa saddex meelood oo kala ah Jaamacaddaha Hargeysa, Boorama iyo ta Burco waxaanu ka qaadanay min 120, Berberana tiro illaa kontameeyo ah ayaanu ka qaadanay. Waxaanu markaa weliba doonaynay haddii ay suurtoobi karto illaa labaataneeyo inaanu iyadana Ceerigaabo ka qaadano, oo aanu Gobolada u qayb-qaybino. Markaa inta soo hadhay waxay ahaayeen dadkii Emailada codsiyada noogu soo qoray (diray) ama codsiyadooda keenay. Markaa way bateen oo 2000/3000 ayay gaadheen. Dee tiro intaa le'egna uma baahnin ee waxaanu u baahanay 300 oo qoq. Markaa, dadkii qof weliba wuxuu doonayaa kii dugsiga hoose ahaa, kii dugsiga dhaxe, kii dugsiga sare iyo kii Jaamacadda intuba waxay leeyihiin Komishankii ayaa shaqo bixinaya oo dad qoranaya, waxaana kuu imanaya intaas oo qof.

S: Laakiin, marka hore idinka ayaa shaaciyay oo yidhi dadka soo gudbiya codsiyadiina, waxaana la leeyahay marka horeba nidaam fiican umaydaan kala samaynin, miyaanay taasi jirin?

J: May ee Anagu waxaanu nidhi soo gudbiya, waxaananu doonaynay inaanu kala baxno tirada aanu doonayno oo tayadooda aqooneed wanaagsan tahay. Laakiin, waxaanu ogaanay in dadkii si kale u qaadanayo oo intii wanaagsanayd haddaanu qaadano, oo aanu qayb kala soo baxno in ay u arkayaan qabiil iyo wax la mid ah oo ay odhanayaan reer Hebel baa u badan, oo reer Hebel ayaa laga tagay. Markaa waxay nala noqotay waar bal wixii oo dhan Imtixaan ka wada qaada, dabadeedna imtixaankaa markaad ka qaadaan intii aad kala bixi kartaan kala baxa.

S: Siday suurtagal u tahay in laba kun oo qof oo codsiyo soo qortay mar kaliya aad imtixaan ka qaadaan?

J: Waanu ka qaadnay oo saakaba (shalay subax) iyadoo wixii socdaan ayaanu sagaal boqol (900) ka qaadnay.

 S: Ma 900 ayaa imtixaanka ka qaadeen?

J: Haa 900 ayaanu saaka (shalay subax) ka qaadnay imtixaanka. Dadkani may ahayn dadkii waraaqaha soo qortay ee waxay ahaayeen kuwii Dugsiyada sare, iyagaana waxan samaynayay.

S: Meesha Rasaas ayaa ka dhacday, markaa maxaa khasaare ah ee ka dhashay?

J: Waxba kama dhicin, wax mushaakil ahina ma dhicin.

S: Imtixaankii hadda wuu dhamaaday miyaa?

J: Anagu Liiskii aanu haysanay 900 ayaanu ka qaadnay imtixaanka, intii kalena Salaasada ayaanu ka qaadaynaa.

S: Guddoomiye taas markaynu ka nimaadno, wacyigelinta diiwaan-gelintu xili hore in ay bilaabanto ayay ahayd, illaa hadda waxa loo xaniban yahayna sida la sheegay waxa ka mid ah qandaraaskii gaadiidka oo laalan oo dadka qaar ku tilmaamayaan in musuq-maasuq galay kala xulashadiisii, oo inta shirkad la siiyay haddana Shirkad kale loo xawilay, arrintaasi ma jirtaa?

J: Inaalillaahu wa inaa'illayhi raajucuun!! Adeer waxa weeye wax inoo soconayaaba ma jiraan oo xaaladan aynu ku jirnaa waa mid qabyaalad heerkii ugu xumaa tagtay. Waxa weeye waxan nidaam sharaf leh ayaanu ku shaqaynaa, oo wixii qandaraas ah ee gudaha ah anaga ayaa bixina haddaanu Komishanka nahay, wixii cidda ina caawinaysaa ay bixinayaan iyaga ayaa maamulkeeda leh. Markaa, Anaguna ma jeclin in nimankii ina wanaajinaynay aanu fara-gelin ku samayno oo wixii ay bixinayaan inay sinaan u baxdo ayaanu ugu ogolahay in ay iyagu Madax noogu noqdaan, oo ay Guddoominta qaataan wixii lacagtooda ah. Iyaga (Deeq-bixiyayaasha) ayaa soo dhameeya, cid faragelin ku samaysaana ma jirto. Anaguna ma nihin labadayada nin ee ka shaqeeyaa ee Guddoomiye ku-xigeenkayga iyo ninka qaybta farsamada madaxda ka ahi aanu u doorno.

S: Laakiin, Guddoomiye waxa la leeyahay ninkii Gaalka ahaa ee dhawaan tagay iyo qoladaa Shirkad baa heshay ayaa la leeyahay, laakiin ka bacdi ayaa la bedalay?

J: Waxaasi ma jiraan, wax wax helayna ma jiraan, oo Faracio ayaa waxa yidhi, ha yimaado, waxaanu doonaynaa inaanu qaladka ugu wayn dusha u saarno oo aanu dadka tusno, oo Jaraa'idka aanu tusno ee ha yimaadaan.

S: Markaa imika yaa qandaraaska helay ee ku guulaystay?

J: Shirkad baa heshay, tiina Nayroobi ayaa looga soo sheegay.

S: Guddoomiye, Shirkadaa qandaraaska heshay magaceeda maxaa la yidhaa?

J: Shirkadaa Anigu magaceeda ay leedahay garan maayo. Laakiin, waa macruuf oo Ingiriiska ayaa laga leeyahay, mana garanayo magacooda, sababta oo ah Anigu waxba kama fahmin, kama arag, dooc iyo dareena kama warhayo wixii la soo qortay iyo waxay soo qabteen toona.

S: Laakiin, Nayroobi sidee looga soo sheegi karaa mar haddii Qandaraasku gudaha dalka ka dhacay oo halkan lagu kala saaray shirkada heshay, sidee ayaa Nayroobi looga soo sheegi karaa?

J: Dee, lacagta iyaga ayaa bixinaya, Anagu indha-indheeyayaal ayaanu nahay in waxani si wanaagsan u dheceen oo aan Gaalada la musuq-maasuqin, lacagta la musuq-maasuqin, shirkadihiina aan la musuq-maasuqin. Markaa, Guddi ayaa daawanaayay, wax Alla wixii oo dhan Jaraa'idka ayaanu ku soo qoraynaa siday wax waliba ahaayeen.

S: Shirkadii heshay maxaa loo iclaamin waayay, si loo ogaado?

J: La iclaami, oo shirkadihii oo dhan ayaa waraaqo loo soo diray oo la yidhi sidii ay wax u dheceen iyo qolo waliba lambarkay heshay iyo wixii lagu siiyay wakaa. Waxani maaha wax qiime la soo qortay lagu bixinayay, ee waraysi ayaa jiray, waxa jiray shirkad waliba sida ay u shaqaynayso, oo Sawiro ayay keeneen. Markaa waxani maaha wax sinaan ah ee wax nin meel laga helay ku sheekeeyay weeye, oo Soomaalideenu waxba isuma ogolin, oo nin waliba waxa uu odhanayaa waa la iga qaaday oo qabiil ayaa la igaga qaaday oo hebel ayaa la iiga eexday.

S: Laakiin, anaga wararka na soo gaadhay taa ma sheegayaan ee waxay sheegeeyaan in qiimayntii hore ay shirkadi heshay, dabadeedna tu kale la siiyay, miyaanay taasi jirin?

J: Maya, waxyaalo badan ayaa la eegay, waxaana inaanu Jaraa'idka ku fidino ayaanu doonaynaa oo aanu cadayno.

S: Laakiin, Idinka iyo Gaalka ayaa la leeyahay waad isku khilaafteen wax ka bedalka shirkadii heshay qandaraaska, taasi ma jirtaa?

J: Waa been, mana dhici karto, oo ma aha wax suurtagal ah arrintaasi.

S: Markaa Shirkadan imika heshay ma Gaalka ayaa ka soo sheegay xaga Nayroobi?

J: Haa Isaga ayaa shirkadihii u sheegay, iyagana u sheegay, Anigana waa la ii soo sheegay oo E-mail ayaa loo soo diray Komishanka.

S: Markaa miyaanay Idinka Komishan ahaan waajibaad idin saraan ahayn in aad shirkadihii isugu yeedhaan, oo u wada sheegtaan oo tidhaahdaan ciddaas ayaa heshay?

J: Waxaan ku leeyahay Shirkad walba E-mail-keeda ayaa loogu soo diray, oo waa loo soo sheegay.

S: Markaa arrintaasi hadda way dhamaatay miyaa?

J: Haa wuu dhamaaday.

S: Guddoomiye goorma ayay wacyigelinta diiwaan-gelintu si toos ah u bilaabmaysaa?

J: Wacyigelintii way bilaabantay, waxaana ka horeeyay bishan 19-keedii ayaanu waraaqo qaybinay, kuwaas oo la yidhaahdo foomis oo ah kuwa goor dhaw qofka is diiwaan-gelinayaa uu soo buuxinayaayo ee uu noola imanayo, si hawshu u fududaato, oo qofku uu macluumaadkii laga doonayay ku soo qorayay. Taasina wakhtiga ayay noo yaraynaysaa, 25 Cisho ayaanay ka soconaysaa Gobolada iyo Degmooyinka dalka ilaa inta hawsha la galayo.

S: Laakiin, wakhtigii wacyigelintu bilaabmi lahayd wuu dhacay?

J: Wacyigelintii way bilaabantay, way socotaa, oo Xafiisyo diiwaan-gelinta loogu talagalay ayaa noo wada furan, waxaananu amar ku siinay in ay dadka u daba galaan oo ay u qayaxaan eeriyada waraaqda ay tagayaan.

S: Laakiin, fariimihii iclaaminta ahaa ee dhinaca warbaahinta la marinayay weli lama soo saarin oo may bilaamin?

J: Dee haaye waxa jiray arrin xaga lacagta ku saabsan, oo waxaanu sugaynaa oo qoladan noogu imanaysa oo Swisarland laga soo daynayayo, illaa sabtida ayaanay imanaysaa, markaas intaas ayaa dib nooyara riday. Laakiin cid walba Jeegagii waanu siinay oo cid Jeegeedi u dhiman yahay ma jirto, oo  TV-yada oo u dambeeyay caawa (Xalay) ayaanu Jeegagoodii siinay.

S: Guddoomiye, Komishankiina marka la eego waxa aad la idiinku dhaliilaa tamar-darro badan, dad badanina waxa ay yidhaahdaan waxaanu ka baqaynaa in Komishankaas hawshu la cuslaato oo ay la kufaan. Markaa caawa badheedhihiinu muxuu yahay, ma-se u malaynaysaan in aydun ka soo bixi kartaan oo aad beenayn kartaan filashadaa dadka idin dhaliilaa ay qabaan?

J: Wallaahi waxa weeyaan, dadkayagan markii hore warshad nalaguma wada samayn, dad meel la isugu geeyayna waxay doonaanba way yeelan karaan. Laakiin-se, Anagu waxaanu lahayn qorshe hawleed, qorshe hawleedkayagiina waxaanu joognaa halkii ugu dambaysay. Haddii aad noo timaado oo aad qorshe hawleedkayaga eegtana wax noo hadhay ma jirto. Sidayadana Anagu komishan ahaan waxaanu isku diidanahay iyo wax aanu isku khilaafsanahay toona ma jiraan. Taagtayadu meel kastaba ha na dhigtee waxa weeyaan wakhtii aanu qabsanay iyo wixii aanu qabanay way is le'egyihiin, waanay isku beegan yihiin, wax Alla wax naga dhimani ma jiro ee halkii ugu dambaysay ayaanu joognaa. Dee ninkii na dhaliilayaa isaga ayaa sheegi, Anagana haddii nin shaqaynayo ama toban shaqaynayaan shaqadayadu waxa weeyaan mid ujeedo leh (target), ujeedadiina waanu ku soconaa.
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland