Khamiis, September 25, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha Magaaladaas ay ka soo degatay Diyaarad shixnad Dawo ah u waday Isbitaallo ku yaala Magaalada Muqdisho oo kala ah Keysaney iyo Madiina.
Diyaaraddan oo u kireysneyd Hay’adda Laan-qeyrta cas ee ICRC ayaa waxay ugu degtay Garoonka Diyaaradaha Jowhar sabab la xiriirta xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kaasi oo maalintii 9aad aysan ka soo degin diyaaradihii rayidka.
Shixnaddii Dawada ahayd ee u socday labadaas Hospital ayaa waxaa Magaalada Jowhar looga soo qaaday Gaadiid Xamuul ah, kuwaasi oo geeyay Bakhaarrada keydka ah ee ay Hay’adda ICRC ku leedahay Magaalada Muqdisho.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar oo 115 km dhanka Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay uga soo degi jiray kaliya Diyaaradaha u socda Hay’adaha Samafalka ee ka howlgala Gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan Magaalada Jowhar.
Isbitaallada Keysaney iyo Madiina oo ay gacanta ku heyso Hay’adda ICRC ayaa waxay yihiin Isbitaallada la dhigo dadka ku dhaawacma Dagaallada iyo Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo ay xusid mudan tahay in todobaadkan kaliya la dhigay dad dhaawac ah oo ka badan 100 ruux.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, xirnaashaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad badan oo ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isagu jira kuwo garoonka kala soo degi jiray badeecooyin, kuwo arrimo caafimaad uga dhoofi jiray iyo kuwo si caadi ah uga safri jiray, kuwaasi oo haatan beryahan ku go’doonsan magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia