Khamiis, October 09, 2008(HOL): Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa ka hadlay dilkii dorraad loogu geystay Magaalada Beledweyne Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan.
Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in dilkaas uu ahaa mid laga naxo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay nasiib darro tahay in maalin kasta la maqlo qof mas’uul ah oo la dilay, iyadoo dadkii dilayna ay si dhib la’aan ah isaga tagaan.
“Waxaan tacsi u direynaa Qoyskii, Ehelladii iyo asxaabtii uu nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow ka geeriyooday, si gaar ahna waxaan tacsi ugu direynaa Qoyskii uu ka baxay iyo weliba Odayaashii ay ka wada tirsanaayeen Golaha Dhaqanka Gobolka Hiiraan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo nasiib darro ku tilmaamay in Shacabka Soomaaliyeed ay qaarkood dilaan Ciidamada Itoobiya, qaar kalena ay iyaga iska dilaan.
Shiikh Shariif waxaa uu baaq u diray Mas’uuliyiinta Xoogagga Muqaawamada in ay la dagaallamaan dadka bulshada dhexdeeda dhibaata ka geysanaya ee dilalka la beegsanaya dadka aan waxba galabsan ee Bulshada u adeegaya.
Sidoo kale, waxaa ka hadlay dilka loo geystay Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow Xogahayaha Gaashaandhigga Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo isna dilkaas ku tilmaamay mid laga xumaado.
Shiikh Yuusuf waxaa uu sheegay in Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow uu ahaa Nin ka shaqeynayay nabad iyo wanaag, wuxuuna caddeeyay in uu ka geeriyooday Ummadda Soomaaliyeed oo dhan.
“Sida aad la socotaan Guddi ayaa loo saaray baaritaanka Kooxihii ka dambeeyay Dilka Nabaddoonka, waxaana guddigaas Madax ka ah Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Macow, wuxuuna ii sheegay mar aan Taleefoon ku wada hadalnay in ay heleen raadka Kooxihii dilay Nabaddoonka”ayuu yiri Shiikh Yuusuf Indha Cadde oo rajo ka muujiyay in Kooxahaas la soo heli doono, marka la soo helana laga qaadi doono tallaabo waafaqsan Shareecada Islaamka.
Dorraad ayay ahayd markii rag bastoolado ku hubeysan ay gudaha Magaalada Beledweyne ku dileen Nabaddoon Dacar Xirsi Xooshow oo ahaa Guddoomiyihii Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, waxaana dilkiisa cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhamaan kooxaha dagaalka kala soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia