Is rasaaseyn ku dhaxmartay Deegaanka Moqokori Ciidamada Modowga Maxkamadaha oo sababtay Dhimashada iyo Dhaawaca Dad Rayid ah

Khamiis, October 09, 2008(HOL): Wararka laga helayo Deegaanka Moqokori oo ka tirsan Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in gelinkii danbe ee maalintii shalay is-rasaaseyn dhexmartay Ciidamado ka wada tirsan kuwa Maxkamadaha uu ku dhintay qof rayid ah halka labo kalena ku dhawacmeen.
 
Sida HOL ay u sheegeen dad goob-joogayaal ahaa is-rasaaseynta ayaa timid kadib markii mid ka mid ah Ciidamada lagu amray in uu dhigo qoriga uu sitay taasoo keentay in uu ka madax adeygay, waxaana intaas kadib uu rasaas ku furay Ciidamadii doonayay in qoriga ka dhigaan.
 
Dadka deegaanka Moqokori oo arintaas aad uga xumaaday ayaa dhigay rabshado ay kaga soo horjeedaan falka lagu dilay, laguna dhaawacay Dadka Rayidka ah, iyada oo markii dambena Ciidamadu ku soo rogeen Deegaanka Bandow si markaas loo xaqiijiyo Nabad-galyada.
 
Degmada Buula-burte ayaa lagu soo waramayaa in ay ka soo baxeen Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa Maxkamadaha si markaas loo xoojiyo Nabad-galyada Deegaanka Moqokori oo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ay xasiloon  tahay.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia