Khamiis, October 09, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa saaka waxaa ku soo degtay Diyaaraddii ugu horeysay oo dad rakaab ah waday.
Diyaaraddaas oo ay lahayd Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa waxaa waday Dad laga soo tarxiilay Sacuudiga, kuwaasi oo muddo bil ku dhaw ku jiray Xabsiyo ku yaala Dalka Sacuudiga.
Ma jirin markii ay Diyaaraddaas soo degeysay wax madaafiic ah oo lagu tuuray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana si nabadgelyo ah uga soo baxay garoonka Dadkii tarxiilka ahaa.
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay 16-kii bishii hore waxaa uu ahaa mid aaney ka soo degin diyaaradaha Dadka Rayidka ah wada, waxaana kaliya garoonka isticmaali jiray Diyaarado u socday Dowladda Federaalka iyo kuwo qalab Mileteri u waday Ciidamada Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Xirnaashaha garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dad badan oo doonayay in ay Dalka ka dhoofaan iyo kuwo ku soo noqon lahaa, waxayna taasi dad badan ku kaliftay in ay ka dhoofaan Garoomo ku yaala Puntland iyo Somaliland, halka ay jiraan Dad kale oo iyana dhinaca dhulka ka galay Dalka Kenya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Garoonka Diyaradaaha Muqdisho oo ay haatan gacanta ku heysto Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isagoo xirnaa muddo 10 sano ka badan waxaa 14-kii June 2006 dib u furay Golihii Maxkamadaha Islaamka oo xiligaas gacan ku heynta Muqdisho kala wareegay Hoggaamiye Kooxeedyo is-diidanaa oo midba Xaafad ka talin jiray Xaafadaha Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia