Guddoomiyaha Degmada Dayniile oo sheegay in Ciidamada Mas’uuliyiin ka tirsanaa Maamulkii Gobolka Banaadir ay dhibaato ka geysteen Gudaha Degmadaas

Khamiis, October 09, 2008(HOL): Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Rag ka tirsanaa Maamulkii hore ee Gobolka Banaadir ay dhibaatooyin u geysteen dad ku dhaqan Degmadaas.

Guddoomiyaha Degmada Dayniile waxaa uu sheegay in Ciidamo ka amar qaata Guddoomiye ku xigeennada Maamulkii Gobolka Banaadir oo kala ah Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur) iyo C/fataax Ibraahim Sabriye Shaawey ay dhac u geysteen dad ku dhaqan Degmada Dayniile, isagoo xusay in ay qaateen gaadiid, lacag iyo taleefoonno mobile ah.

Waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in maamulka Degmadiisa ay arrintaas shir ka yeelan doonaan, ayna war cad ka soo saari doonaan dhacii iyo dhibaatadii loo geystay Dadka ku dhaqan Degmada Dayniile.

Hadalka uu sii daayay Guddoomiyaha Degmada Dayniile Mukhtaar Xasan Caddow ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaanahan ay soo kordhayeen eedeymo loo jeediyo Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo lagu eedeeyo in ay dadka dhac iyo dhibaatooyin kale u geystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia