Qaar ka mid Musharxiinta Puntland oo baaq u jeedayay Madaxwayne Cadde Muuse

Jimco, November 07, 2008(HOL): Qaar ka mid ah musharaxiinta Puntland ee ka qayb galaysa doorashada ayaa baaq ku aadan dhanka doorashada u jeediyay madaxwaynaha DGPL, Jen. Cadde Muuse, Nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada.

Seddex ka mid ah musharaxiintaan ayaa lagu kala magacaabaa Axmed Siciid, Xasan Abshir Faarax iyo Maxamed C/nuur  wuxuuna baaqoodaan yimid kadib kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Baaqii ay soo saareen waxaa ka mid ah in la soo magacaabo guddiga doorashada  Puntland si aysan u dhicin rabshadao ka dhasho doorashada , isla markaan ay si xor ah u dhacdo.

Axmed Siciid Aw-nuur oo horay wasiir uga ahaa xukuumadda iminka jirta ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la tartamo madaxwaynaha, isla markaana uu noqdo madaxwaynaha Puntland loo dooran doono.

Musharaxiinta ayaa ugu baaqay madaxwayne Cadde in uu ka digtoonaado xaalado suurtagalin waaya doorashada soo socota ee la filayo in ay ka dhacdo Puntland.

Sidoo kale  Baaqaan ay so saareen Musharaxiitna ayaa ku so beegmaya xilii dhawaantan la kala diray baarlamanka  Puntland, kaasi muddo afar sanadood ah soo shaqeynayay, waxaana haatan la dhowrayaa doorashooyinka Puntland ka dhici doona iyo cidda ku soo baxda.

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso, Somalia