Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti oo beeniyay in uu Qad cagaaran ka jiro Magaalada Beledweyne

Jimco, November 07, 2008(HOL): Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in magaalada Beledweyne uu ka jiro qad cagaaran oo u dhaxeeya Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee magaaladaas ku wada sugan.

“Magaalada Annaga ayaa hadda joogna, waxna kama jiraan in magaalada uu qad cagaaran yaallo, taasina waxaan rumeysannahay in ay fidiyeen dad doonaya in ay iska hor-keenaan shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan, gaar ahaan Magaalada Beledweyne.

Cumar Xaashi Aadan waxaa uu sheegay in Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan magaalada Beledweyne ay yihiin kuwo meel u wada jeeda oo aaney wax dhibaato ah u dhaxeynin, wuxuuna caddeeyay in ay la kulmeen iyagoo wada jira.

Horay waxaa beenin tan la mid ah u sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadaha Islaamka ee Gobolka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Macow oo sheegay in shacabka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ay mideysan yihiin, Xoogagga Maxkamadaha Islaamka ee ka jirana ay yihiin kuwo maamul kaliya ka wada tirsan.

Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Asmara oo ay ka mid yihiin Shiikh Xasan Mahdi iyo Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa sheegay in Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti ay kala qeybiyeen xoogagga Maxkamadaha Islaamka Gobolka Hiiraan, magaalada uu qad cagaaran ka jiro.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia