Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isbaarooyin ka qaaday Waddooyin ku yaala Magaalada Muqdisho

Jimco, November 07, 2008(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay howlgallo isbaaro-qaadis ah ka fuliyeen qaar ka mid ah Waddooyinka magaalada Muqdisho oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo kale oo ka amar qaata Dowladda oo lacago sharci darro ah ka qaadayay gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka.

Howlgalkaas waxaa fuliyay ciidamo badan oo mileteri iyo boolis isugu jira, kuwaasi oo ku hubeysnaa gaadiid fara badan oo dagaal, waxaana la arkayay iyagoo isgoysyada waddooyinka Muqdisho qaarkood ka qab-qabanayay ciidamo lacago sharci darro ah ka qaada.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa soo kordheysay cabasho ka soo baxeysay darawallada gaadiidka BL-ka, kuwaasi oo ka cabanayay ciidamo ka amar qaata dowladda federaalka Soomaaliya oo lacago aan sharci ahayn ka qaada.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxyaddiin Xasan Jurus oo howlgallkaas saxaafadda uga warbixiyay ayaa sheegay inay Ciidamada Dowladda ka howlgaleen Degmooyinka Shangaani, Shibis, Boondheere, Wardhiigley, Yaaqshiid iyo Kaaraan, wuxuuna sheegay in uu howlgalkaas ahaa mid uu soo abaabulay Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir.

Howlgallada ay sameeyeen Ciidamada Dowladda ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay gaadiidleyda laga qaadi jiray lacagta sharci darrada ah, kuwaaasi oo saaka u shaqeysanayay si nadiif ah iyadoo aaney jirin ciidamo lacag ka qaadaya.

Afhayeennada Ciidamada Booliska iyo Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Daahir Maxamed Xirsi iyo C/llaahi Xasan Bariise ayaa labaduba waxay dhawaan sheegeen in ay tallaabo ka qaadayaan ciidamada la sheego inay gaadiidka ka qaadaan lacagaha sharci darrada ah, waxayna sheegeen in askarigii ay falkaas ku arkaan ay xiri doonaan, dharkana ay ka dhigi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia