Jimco, November 07, 2008(HOL): Wafdigii uu horkacayay Guddoomiyaha Isbaheysiga dib u Xorneyta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo labadii cisho ee la soo dhaafay ku sugnaa Gobalka Hiiraan ayaa maanta ka amba baxay Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee Magaalada Beledweyen.
Wafdiga ayaa waxaa garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne ku sii sagootiyay Saraakiil ka tirsan Midowgga Maxkamadaha Gobalka oo uu hogaaminayay Shiikh C/raxmaan Ibaraahim Macow, lamana oga halka Safarka wafdigu ku sii wajahan yahay walow wararka qaar ay sheegayaan in laga yaabo in wafdigu gaaro Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halka ay jiraan warar kale oo sheegaya in uu Jibouti u amba baxay.
Laakiin waxaa ka haray Xubnaha maanta ka anba baxay Magaalada Beledweyne Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xog-hayaha Arimaha Gudaha Isbaheysiga dib Xoreynta, waxaana la filayaa in Cumar Xaashi uu sii wado kulamadii ku aadanaa hirgalinta Siyaasadda Isbaheysiga Dib u Xorynta garabka Jibuuti.
Maalintii shalay ayuu Shiikh Shariif waxaa uu kulamo waqti dheer qaatay la galay inta badan qeybaha Bulshada Gobalka Hiraan iyo waliba Saraakiishii ka tirsaneyd Ciidamadii hore ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay ka wada haleen xoojinta Nabadda.
Sidoo kale dhinacyadii ay is-arkeen Shiikh Shariif intii uu joogay Magaalada Beledweyne waxaa ka mid ahaa Beelaha ku dhaqan Gobalka oo uu kala hadlay in uu dhameeyo dhammaan wixii khilaaf ah ee jira si loo gaaro Nabad waarta.
Mudadii uu ku sugnaa Magaalada Beledweyne Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa si weyn loo xoojiyay Nabad-galayda guud gaar ahaan xiliga habeenkii oo dhaq dhaqaaq dadka iyo waliba Gaadiidka laga joojiyay Hotelkii uu ka daganaa Magaalada.
Dhinaca kale waxaa maanta shir Jaraa'id ku qabtay Magaalada Beledweyne Guddi dhawaan loo saaray xilinta khilaafka soo kala dhaxgalay Saraakiisha Maxkamadaha Gobalka Hiiraan, waxaana shirkaasi Jaraa'id ka hadlay Shiikh Aadan C/llaahi oo ah Guddoomiyaha Guddiga xalinta khilaafka labada dhinac, waxaana uu sheegay in kulamo gaar gaar ah oo ay la qaateen labada dhinaca ugu dambeytii laysku af-gartay in laga heshiiyo wixii khilaaf ah ee jiray, isagoo shirkiisa Jaraa'id ku soo bandhigay qodobo dhowr ah oo lagu saleeyay heshiiska labada dhinac.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Wafdigii uu horkacayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka anbaba baxay Magaalada Beledweyne
More News
- Qaar ka mid Musharxiinta Puntland oo baaq u jeedayay Madaxwayne Cadde Muuse
- Abwaan Hadraawi oo ku baaqay in la joojiyo Dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho
- Xubno ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabyadiisa Asmara iyo Jibouti oo ka qeybgalay Dood ku saabsaneyd sida ay Ciidamada Itoobiyaanka ku bixi karaan
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka Jibouti oo beeniyay in uu Qad cagaaran ka jiro Magaalada Beledweyne
- Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo isbaarooyin ka qaaday Waddooyin ku yaala Magaalada Muqdisho