Wanaajinta Xiriirka Ganacsi ee Ururadda aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya iyo Guddiga Midowga Yurub iyo Doorashada Hoggaanka Ururadaas oo maanta looga hadlay Shirkii NSA


Axad, March 09, 2008(HOL): Shirkan oo ay ka qeybgelayaan mas’uuliyiin ka socda Ururrada aan dowliga ahayn (None State Actors) ayaa wuxuu maalintii labaad ka socdaa Hotelka Imperial Resort Beach, iyadoo ka qeybgalayaashana ka hadlayaan sidii ay u dooran lahaayeen hoggaan kulmiya Ururada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay wada jir u soo qaban qaabiyeen Hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Safer World, isla markaana socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa maanta waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Wanaajinta Xiriirka Ganacsiga ee Ururadda aan Dowliga ahayn ee Soomaaliya  iyo Guddiga Midowga Yurub iyo Doorashada Hoggaanka Ururadaas, iyadoo maalinta ugu dambeysana lagu dooran doono Hoggaan ay yeeshaan Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya.

Shirkan oo shalay furmay ayaa waxaa furitaankiisii ka qeybgalay mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen Agaasimaha Hay’adda Cilmi baarista iyo Wadatashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo sheegay in shirkan uu yahay mid muhiimad gaar ah u leh Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in haddii ay hoggaan helaan Ururrada aan dowliga ahayn la heli doono Dad Bulshada Soomaaliyeed wakiil uga wakiil noqda Beesha Caalamka, isla markaana la socda Dhaqdhaqaaqa ay Beesha Caalamka ku bixiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena la heli doono dad  dhaqaale uruurin sameyn kara.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin  metelaya Ururrada aan dowliga ahayn ee isugu jira kuwo faa’iido-doon ah (None State Actors) iyo kuwo aan faa’iido-doon ahayn (NOGs) ayaa xubnaha ka qeybgelaya waxay ka doodayaan qaabkii ay u dooran lahaayeen madaxdii hoggaamin lahayd oo aan lagu soo dooraneynin qaab qeybsiga qabiilka ee loo bixiyay afar beelood iyo bar (4.5).

Ujeedada laga leeyahay in la unko Urur ay ku mideysan yihiin  Ururrada aan Dowliga ahayn (None State Actors) ayaa waxay tahay sidii loo heli lahaa Dad ka socda Bulshada qeybaheeda kala duwan oo bah-wadaag la ah Hay'adaha Deeqaha bixiya iyo hoggaanka Dowliga. Shirkan wuxuu qeyb ka yahay heshiishkii Cotounou oo ay wada saxiixeen 77 Wadan oo ka tirsan Dalalka Africa, Pasific iyo Carebian-ka iyo 15 Dal oo ka tirsan Midowga Yurub, iyadoo uu saldhig u yahay iskaashi iyo ganacsi dhexmara Wadamadaas.

Marka uu dhamaado Shirkaas ayaa waxaa ku xigi doona Shir kale oo looga hadlayo jiheynta Nabadeynta Soomaaliya, iyadoo  ay ka soo qeybgelayaan Dad badan oo isugu jira Mas’uuliyiin ka socda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo qaarkood ay ka imaanayaan dalka gudahiisa, halka kuwo kalena ay ka imaanayaan Dalka Dibaddiisa. Sidoo kale waxaa shirkaas ka soo qeybgeli doona Dad kala taabacsan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ee kala ah Maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo is-weydaarsan doona fikrado wax dhisaya oo ku saabsan sida xal loogu heli karo mushkiladda Soomaaliya, iyadoo ay sheegis mudan tahay in dadkaasi ay yihiin kuwo aan ka tirsaneyn Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka.




Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia