Axad, March 09, 2008(HOL): Xaaladda Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay tahay mid aan xasilooneyn, waxayna xasilooni darradaas timid kadib markii ay shalay iyo xalay gudaha Suuqaas ku dagaalameen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah kama jiro Suuqa Bakaaraha, waxayna waddooyinka Suuqa laga soo galo ku sugan Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo mararka qaarkood rasaas kor u ridaya.
Maalmahan ayaa Xaaladda Suuqa Bakaaraha waxay ahayd mid cakiran oo aysan wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah ka jirin, waxaana taasi ugu wacnaa iyadoo gudaha iyo hareeraha Suuqa ay dagaallo ku dhexmareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.
Xasilooni-darrada ku timid Xaaladda Suuqa Bakaaraha ayaa waxay saameyn ku yeelatay ganacsigii ka jiray Suuqa Bakaaraha oo muddooyinkan ahaa meel ay ku dagaalamaaan Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda, iyadoo taasina ay keentay in qaar ka mid ah Ganacsatada Suuqa ay badeecooyinkooda ka rartaan.
Ma jirto ilaa iyo haatan rajo ku saabsan in xal loo helo mushkiladda Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, inkastoo ay jiraan baaqyo loo dirayo dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxaha ka soo horjeeda oo laga codsanayo in ay Suuqa Bakaaraha ka dhigaan goob ka caagan dagaallada u dhaxeeya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia