Axad, March 09, 2008(HOL): Hay'adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ELMAN ayaa waxay maanta soo saartay warbixin sanadeed ay kaga hadashay dhibaatada ka taagan Soomaaliya iyo tacadiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.
Hay'adda ayaa waxay cambaareysay beesha Calaamka oo ay ku tilmaantay inay huriyeen tacadiyadaas, maadama aysan waxba ka qaban, waxaana ay sheegtay hay'addu inay taas dhiirrigelisay inay sii socdaan tacadiyada lagula kaco dadka Soomaaliyeed.
Warbixinta Hay'adda ay soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in sanad iyo dhowr bilood tacadiyadii ka dhacay Soomaaliya ay ku dhinteen dad gaaraya 6,793-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 10,000,250-qof, halka ay ku barakaceen tiro dad ah oo gaareysa 1,000,481-qof, iyadoo warbixintana lagu sheegay inay xabsiyada ku jiraan dad badan oo aan maxkamad la soo taagin.
Tacaddiyadan ayaa waxay sheegtay hay'adda inay geysteen Ciidamada Dowladda, Kuwa Ethiopia iyo kooxaha ka horjeeda, iyadoo ay hay'addu ugu baaqday inay heshiis ka gaaraan waxa u dhexeeyay si ay uga nabadgalaan dadka Soomaaliyeed in tacadiyo ay la kulmaan.
Ku simaha madaxa Hay'adda ELMAN oo lagu magacaabo Cali Sheekh Yaasiin (Cali Fadhaa) ayaa ku boorriyay dhinacyada dagaalmaya inaysan ku dagaalamin dadka shacabka ah dhexdiisa, si ay dadka Soomaaliyeed uga nabadgalaan dagaallada aan xadka lahayn ee ka dhaca Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Cali Fadhaa, wuxuu sheegay in dadka u barakacay Muqdisho iyo duleedyadeeda ay uga wanaagsan tahay in meelaha ay u qaxeen lagu siiyo raashin in loo helo jawi ay dib ugu noqon karaan guryahooda oo ay uga carareen sabab la xiriirta dagaallo iyo nabadgelyo darro ka jirta magaalada Muqdisho.
Hadalkan ay soo saartay Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xus loo sameeyay sanadguuradii 12aad ee ka soo wareegatay markii Muqdisho lagu dilay U ololeeyihii Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Cali Axmed oo ay 9-kii Maarso 1996-kii kooxo hubeysan ku toogteen Xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia