Ciidamo cusub oo la soo dhigay Waddooyinka laga galo Suuqa Bakaaraha iyo xaaladda Suuqa oo degan

Talaado, March 11, 2008(HOL): Ganacsiga guud ee Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa caadi ah, iyadoo ay furan yihiin inta badan ganacsiga suuqaas; iyadoo ciidamo Booliis ah oo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia ay ku sugan yihiin Isgoysyada Howlwadaag iyo kan Aadan Cadde.

Gaadiidka dadweynaha ayaa waxay bilaabeen saakay inay dadka gaarsiiyaan suuqa Bakaaraha, iyagoo isticmaalaya waddooyinkii ay horay u isticmaali jireen, waxaana taasi ay timid kaddib markii ciidamada Booliiska Dowladda Somalia ay dib ugu soo laabteen waddooyinka ku dhow Bakaaraha.

Sidoo kale, isgoyska Bakaaraha ayay saakay dadku si caadi ah u isticmaalayeen, iyadoo gaadiidka daweynuhuna uu imaanayay meel ku dhow Isgoyskaas, waxaana dadkii halkaas maray ay sheegeen inay ku sugan yihiin Isgoyskaas ciidamo Booliis ah, balse aan dadka ka celinayn inay galaan Bakaaraha.

Ciidamada Booliiska ah ee la keenay Isgoysyada ku dhow Bakaaraha ayaa waxay rasaas ku furayaan waddooyinka 1-aad iyo 2-aad ee suuqaas, iyadoo uu ku dhaawacmay rasaastaas qof rayid ah oo ku sugnaa agagaarka shirkadaha waaweyn ee Isgaartiisan, mana jirto cid dagaal kula jirta Ciidamada Dowladda ee ku sugan Isgoysyadaas.

Dadka dukaameysiga u imaanaya Suuqa Bakaaraha ayaa waxay kasoo galayaan intoo badan wadada 30-ka oo furan, ayna dhawaan ka guureen ciidamo Itoobiyaan ah iyo kuwo Soomaali oo ku sugnaa halkaas muddo sagaal maalmood ah.

Taliska Booliiska oo ka hadlay ku laabashada Ciidamadooda ee Isgoysyada ku dhow Bakaaraha ayaa waxay sheegeen in taasi timid kaddib markii ay dadweyne ay sameeyeen isku soo baxyo ka dhan ah ciidamada Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia