Kooxo hubeysan oo dhaawac culus ugu geystay Magaalada Baydhabo sarkaal ka tirsan Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka

Talaado, March 11, 2008(HOL): Sarkaa lagu magcaabo Col. Cabdi Baydhabo ayay Kooxo hubeysan xalay ku dhaawaceen Magaalad Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay xilli uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalay xaafadda Bardaale ee Degmada Baydhabo.

Dhaawaca sarkaalkaan ayaa waxaa fuliyay sida wararka laga helayo Baydhabo ay sheegayaan saddex dhallinyaro ah oo ku hubeysan bastoolado; kuwaasoo baxsaday markii ay dhaawaca sarkaalkaas geysteen.

Sarkaalka ayaanay jirin cid welisay marka la weerarayay, waxaana kooxaha dhaawaca u geystay ay kaga horyimaadeen wadadda gurigiisa tagta oo uu ku socday, iyadoo dhaawiciisa lagu sheegay inuu ahaa mid aad u culus; lana dhigay isbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla Baydhabo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in sarkaalkaas markii la dhaawacayay u kasoo baxay xarunta madaxtooyada ee Baydhabo, waxaana la aaminsan yahay inay toogteen kooxaha Dowladda ka horjeeda.

Ciidamada Booliiska Baydhabo ayaa waxay isku gadaameen xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo iyagoo halkaas ka fuliyay baaritaanno ay ku raadinayaan kooxihii ka dambeeya falka dhaawaca ah ee loo geystay Col. Cabdi Baydhabo.

Ma jirto weli cid loo qabtay dhaawaca loo geystay sarkaalkaas, waxaase wararku ay sheegayaan inay weli socdaan baaritaannada lagu baadigoobayo kooxaha falkaas ka dambeeyay.

Dhawaan ayaa lagu dilay Magaalada Baydhabo sarkaal ka tirsan Nabadsugidda oo ay weerar ku qaadeen kooxo hubeysan xilli uu ku sugnaa goob ganacsi oo ku taalla Baydhabo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia