Talaado, March 11, 2008(HOL):Kooxo hubeysan ayaa waxay xalay toogasho ku dileen Allaha u naxariistee Sheekh Maxamed Sheekh Axmed (Kashka) oo si weyn looga yaqaannay Muqdisho; wuxuuna ka yimid masjid uu kusoo tukaday salaadda cishaha.
Marxuumka ayaa waxaa toogtay sida la sheegay laba qof oo ku hubeysan bastoolado, iyadoo ka hor intii aysan dilin weydiiiyay magaciisa, dabadeenna toogtay, waxayna saddex xabbadooda kaga dhufteen madaxa sida uu HOL u xaqiijiyay mid ka mid ah ehellada Sheekha.
Geerida Sheekha ayaa waxay walwal iyo walaac weyn ku beertay dadka deegaanka Buulo-xuubeey ee Degmada Wadajir oo uu daganaa, waxaana masjidka uu ahaa Sheekh kutubta cilmiga ka aqriga Masjid ku yaalla xaafaddaas oo lagu magacaabo KASHKA.
Dadkii kusoo baxay dilka Sheekha ayaa waxay sheegeen in kooxaha dilka geystay ay isaga carareen goobta, isla markaana ay u yimaadeen Sheekh Kashka oo mayd ah, dabadeedna ay galiyeen gurigiisa.
Ehellada Sheekha ayaan sheegay inaysan ogeyn sababta dhabta ah ee loo dilay, iyagoo sidoo kalena aysan jirin cid ay ku eedeynayaan dilkiisa oo ay ogyihiin, waxaase ay sheegeen in dilka Marxuumka uu la mid yahay kuwa qorsheysan ee ka dhaca Muqdisho.
Boqolaal isugu jira dad cilmiga ka baran jiray, ehelladiisa iyo dadkii ay is yaqaanneen ayaa saakay kusoo ururay xaafaddiisa, waxaana ay qayb ka qaateen aaskiisa, iyadoo wajiyadooda ay ka muqatay murugo aad u fara badan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia