
Talaado, March 11, 2008(HOL): Shirkan oo ay ka qeybgelayaan xubno ka socda Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Soomaalida ku nool dibadaha iyo rag fikir ahaan kala taabacsan dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ee kala ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa wuxuu Hotelka Imperial Resort Beach ee Magaalada Entebbe wuxuu ka socon doonaa muddo seddex maalmood ah.
Furitaankii shirka ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Qaramada Midoobay, Hay’adda Caalamiga ah ee Interpeace, Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD iyo Fannaaniin Soomaaliyeed, oo si qoto dheer uga hadlay xal u helida Mushkiladda Soomaaliya.
Ugu horeyn waxaa furitaanka ka hadlay C/raxmaan Raage oo ka socday Hay’adda Interpeace, isla markaana ka mid ah Guddiga Qabanqaabada Shirkan, wuxuuna ka qeybgalayaasha shirka uga mahadceliyay waqtiga ay u soo hureen in ay ka soo qeybgalaan shirka looga hadlayo nabadeynta Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu u mahadceliya Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Siyaasadda Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay in uu la yimid weji cusub oo ah in xalka Soomaaliya la heli karo.
Intaas kadib waxaa uu ka hadlay C/raxmaan Raage in shirka looga hadlayo nabadeynta Soomaaliya uu yahay mid loo qabtay dadka Soomaaliyeed oo iyagu leh talada xal ka gaarista mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna intaas uu ku daray in Dadka Soomaaliyeed ay gaareen meeshii ugu dambeysay, isla markaana marka laga hadlayo laga soo qaato sawir aan wanaagsaneyn.
“Aniga hadda waxaan ka imid oo aan deganahay Dalka Kenya, sawirrada ugu xun ee la tusayay dadka markii ay qalalaasaha ka dhaceen waxay ahaayen sawirro Soomaaliyeed oo aan qurux badneyd, marka waxaa loo baahan yahay in ay dadka Soomaaliyeed ka tashadaan sidii sawirkaas aan wanaagsaneyn meesha looga saari lahaa”ayuu yiri C/raxmaan Raage oo mar kale ka qeybgalayaasha shirka u sheegay in shirka iyaga loo qabtay.
Waxaa kale oo furitaankii shirka ka hadashay Susannah Price oo ka tirsanaan jirtay Wariyayaasha Idaacadda BBC-da, isla markaana haatan u shaqeysa Qaramada Midoobay, waxayna sheegtay Susannah in ay shirkan ku meteleyso Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Axmedou Ould-Abdallah, isla markaana ay jeedineyso farriin uu shirka ugu talagalay Danjire Abdallah.

Susannah Price oo ka hadleysa furitaanka Shirkii Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ee ka dhacay Entebbe, Uganda
Susannah Price waxay sheegtay in Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin isbedel ku yimaada Arrimaha Soomaaliya, “Ururrada Bulshada Rayidka mar kasta waxay cod u yihiin inta badan ee aan codka lahayn sida Caruurta, Haweenka, Dadka Waayeelka ah, weyna ku amaanan yihiin doorkaas”ayay tiriSusannah Price.
“Anigoo Wariye ahaan jiray waxaan aaminsanahay in ay sidoo kale xal u helidda mushkiladda Soomaaliya ay qeyb ku leeyihiin Ganacsatada iyo Wariyayaasha, waxayna qeyb ka qaadan karaan sidii arrintaas loo fulin lahaa”ayay mar kale tiri Susannah Price oo intaas ku sii dartay in xal siyaasadeed oo oo la gaaro ay qeyb muhiim ah ka qaadanayaan soo af-jaridda Mushkiladda Soomaaliya.
Intaas kadib Susannah Price waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto la shaqeynta qeybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada Soomaaliyeed, waxaana rajeynayaa ayay tiri in aan ku guuleysan doonno nabadeynta Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa furitaanka shirka ka hadlay Agaasimaha Hay’adda Cilmi Baarista iyo Wada-tashiga CRD Jabriil Ibraahim Cabdulle oo jeediyay khudbad soo koobeysay dhibaatada ka jirta Soomaaliya, taasi oo ku saabsaneyd warbixinno laga sameeyay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhinac walba leh, haddii ay ahaan lahayd inta ay la egtahay tirada Dadka Soomaaliyeed ee gudaha ku nool iyo kuwa dibadda ku nool, dhaqaalaha Soomaaliya halka uu ka yimaado iyo meelaha uu ku baxo, sii dabar go’itaanka adeegyada bulshada Soomaaliyeed.
“Dhamaanteen waan u jeednaa halka ay maanta taagan tahay xaaladda Soomaaliya, marka suurtagal miyaa in aan ku sii eegano sida ay tahay, waxay ila tahay in loo baahan yahay in la jiheeyo nabadeynta Soomaaliya”ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.
Waxaa kaloo shirka furitaankiisa ka hadlay Fannaaniin ay ka mid ahaayeen Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan, Sugaal Cabdulle iyo Maki Xaaji Banaadir oo soo bandhigay suugaan ka turjumeysa dhibaatada Soomaaliya ka taagan iyo sida xal loogu heli karo.
“Haddii aan nabad rabno hadalka yaan la badin, waxaan rabnaa nabad, Dowlad sheego ama Urur Diimeed sheego, waxaad ogaataan in dalka naga dhaxeeyo, yaan la isku qasbin, aniga i soo raac xabad xal ma noqoto, in yar baan nahay baaqiga ka haray dadka Soomaaliyeed aan ceyminno dhulkeena waa nagu filan yahay”ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf Xasan.
Ugu dambeyntiina, Shirkan oo socon doona muddo seddex maalmood ah ayaa maanta waxaa looga hadlay doorka Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya, waxaana ka doodista qodobkaas hogaaminayay Guddi ay xubno ka yihiin Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, C/raxmaan Cusmaan Shuuke, C/raxmaan Macallin C/llaahi Baadiyow, Maxamuud Jirde Xuseen iyo Maryan Xuseen Maxamed Awreeye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Entebbe, Uganda