4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
advertisements
Shakhsiyada Sanadka 2017 ee HOL: Cabdiraxmaan M. Cabdullahi CIRRO



Tafatirayaasha
 Hiiraan Online

Monday, January 08, 2018

Sanadka 2017 ku, wuxuu ahaa sanad ay saxaafadu aad u hadal haysay guud  ahaan geeska Africa, gaarahaana Soomaaliya. Waxxaa la doortay Faramaajo oo aad dadku ugu faraxsanaa, ayna bar-bar socotay Abaar aad u xun iyo weeraro arxan daro ahaa oo ay geysanaysay Xarakada Shabaab. Sidoo kale, waxaa ayana jirta arrinta ku saabsan doorashadii Soomaaliland oo la dhihi karo guushii laga gaaray lama calfadeen haddii murashaxii laga guulaystay ee xisiga Wadani, aanu muujinin geesinimo dulqaad iyo tanaasul.

 Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi “CIRRO”, in kastoo uusan helin doorashadii shanaad ee Madaxwaynenimada Soomaaliland, waxaa haddana dad badani u arkaan ruug cadaa awood u yeeshay kala doorashada laba daran midood.

Sida aynu la socono, 13kii November ee la soo dhaafay, 556,617,oo ka mid ahaa dadka ku nool Soomaaliland ayaa codkood ka dhiibtay doorashadii madaxwayne, halkaasoo ay ku tartamayeen sadexda xisibi ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid. Waxaana markii ugu horaysay doorashadaas loo adeegsaday hannaanka casriga ah ee loo yaqaan (Iris recognition-based biometric voting system), si looga fagaado xatooyo, ku shubasho, iyo wax-isdabamarin.                                                                        

Waxaase jirtay in musharaxa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi “Cirro” uu si weyn ugu eedayay xibigii Kulmiye, ku shubasho iyo ka beensheegida codadkii doorashada, sidaas daraadeedna xisbigiisu uu laalay iskaashigii iyo wadashaqayntii uu lala haa Guddigii Doorshada ee  Soomaaliland.
Taas ayaa loo aanaynayaa inay sabab u ahayd qalalaase iyo iska-horimaad dhexmaray Ciidamada Ammaanka iyo taageerayaashii xisbiga Wadani, waxaan halakaas ku nafwaayay afar qof oo dadwaynaha ka tirsan iyo hal qof oo ka tirsanaa Ciidanka Ammaanka. Waxaa la aaminsanyahay in taasi hoos u dhigtay sharafkii iyo haybadii ay howlaha iyo nidaamka doorshadu ku socatay oo aad u soo jiidatay indhaha adduunka oo dhan. 

Muddo isjiidashaa ka dib, Gudigii doorashadu, wuxuu ku dhawaaqay go’aankii guusha oo uu xisbiga Kulmiye ee Muse Biixi ku hantiya 305, 909, una dhigantay 55% trida guud ee codbixiyayaasha, halka xisbiga Wadani ee Cirro horkacayaynay uu ku xasilay 226,092, cod, una dhigatay 40.7% ee tiradii guud.

Markaas Cabdiraxmaan Cirro, isaga oo wali aaminsay in wax laysdabamariyey, ayuu wuxuu ogolaaday guushii Muuse Biixi, asagoo taas sabab uga dhigay ka hormarinta wax kasta, nabada iyo midnimada Soomaaliland.

Go’aankaas ay Cirro iyo Xisbigiisuba qaateen,waxay Hiiraan Online u aragtaa mid nafti hurinimo ah oo loo qaaday dhinaca wanaagsan ee danta guudi ku jirto. Sidaas daraadeedna Hiiraan Online waxay Shakhsiyada sanadka 2017, u dooraytay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi “Cirro”
Muddane Cabdiraxmaan Cirro, oo ah ruug cadaa muddo badan ka soo shaqeeyay maamulkii Dowladii dhexe ee Soomaaliya, gaarahaan xagga siyaasadda Arrimaha Dibadda, sidoo kale ahaa guddoomihii hore ee Golaha Wakiilada ee Soomaaliland, waxaa dad badani u arkaan inuu yahay nin aqoon iyo garsho dheeraad ah u leh maamulaka iyo hoggaaminta dowladnimo. 

 



 





Click here