Hiiraan Online
1/24/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2025
Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo soo saartay amaro ku socda macallimiinta Dugsiyada Quraanka iyo maamulayaasha Macaahidda
Khamiis, January 23, 2025 (HOL) - Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa digniin adag loogu diray macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka, maamulayaasha macaahidda sharciga iyo Imaamyada Masaajida ineysan la shaqeyn karin Al-Shabaab.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in cid walba oo lagu hela iney u hoggaansato amarrada kooxda Al-Shabaab laga qaadi doono tallaabooyin sharciga waafaqsan.
Warsaxafadeedka Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu xusay in macallimiinta, maamulayaasha, iyo Khadiibyaada hadii lagu helo la shaqeynta Al-Shabaab ineysan heli doonin wax cudur daar ah.
Si kastaba ha ahaatee amarkaan kasoo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya soo saartay dhankeeda amaro loogu digayo Ganacsatada Soomaaliyeed iney xiriir la sameeyaan kooxda Al-Shabaab.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka Wasaarada oo dhameystiran:-