1/24/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 23, 2025
Puntland oo sheegtay in culimadeedu ay door wacan ku leeyhiin dagaalka loogasoo horjeedo Daacish
 

Khamiis, January 23, 2025 (HOL) - Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor (Ilyaas Dheere), ayaa ku ammaanay culimada Puntland inay door wanaagsan ka cayaarayaan dagaalka uu maamulku kula jiro kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa culimada ka raali galiyay sida uu sheegay, in dad aan xog ogaal ahayn oo ka tirsan maamulkooda ay hadallo aan habboonayn ka sheegeen culimada.

Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegayin isaga iyo culimada ay si wadajir ah uga fariisteen dagaalka lagula jiro kooxda Daacish, islamarkaana wuxuu sheegay wixii ay isla meel dhigeen in ay shaqeeyaan.

“Qof aan xog ogaal ahayn oo dowlada ka tirsan ayaa culimada wax ka sheegay. Annaga iyo culimada waan ka wada fariisanay dagaalka Daacish, wixii aan isla meel dhignayna way shaqeeyaan,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa dhawaan saxaafadda ka dhaleeceeyay culimada, iyagoo sheegay in aanay culimada bulshada ku baararujin dagaalka Daacish.  Waxayna ku dhaliileen inay gabeen doorkii looga baahnaa.

Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, oo ka mid ah culimada waaweyn ee Puntland iyo xubnaha sare ee jameecada Ictisaam, oo jawaab ka bixinayay dhaliilaha loo jeediyay ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland in ay iyagu dayaceen dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay wada hadal dhab ah iyo in wax laga qabto dhibaatooyin badan oo ka jira Puntland, sida muqaadaraadka iyo qulqulka qaxootiga ka imaanaya dalka Itoobiya