Khamiis, January 23, 2025 (HOL) - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa u cusboonaysiiyey muddada xil-hayntooda Guddiga maamulka hey’adda Naafada Qaranka, si ay usii wadaan howlaha ay u idmanyihiin 4 sano ee soo socota.
Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayaa horey ugu gudbisay Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xamse codsiga in muddada loo cusbooneysiiyo Guddigaan Maamulka Hay'adda Naafada Qaranka.
Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa uga mahad celisay Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya talaabada ay mudo cusbooneeysiinta ugu sameeyeen Guddiga Maamulka Hay’adda Naafada Qaranka.
“Waxaan uga mahad celinayaa xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu ugu horeeyo Ra'isulwasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre Muddo Cusboonaysiinta ay u sameeyeen Guddiga Maamulka Hay'adda Naafada Qaranka “ ayey tiri Wasiir Amb Khadiira Maxamed Al-Makhzoumi.
Wasiiradda ayaa ugu dambeyn u hambalyeysay xubnaha Hay’adda waxaana ay tiri “ Ka Wasaarad ahaan waxaa naga go'an inaan si aad ah u hormarinno isla markaana dadaal ugu galno sidii ay bulshada kaalin muuqata ugaga hogaamin lahaayeen Dadka baahiyaha gaarka ah qaba ayadoo la xoojinayo, lana gacan siinayo Hay'adda Naafada Qaranka”
Xubnahaan oo Guddiga oo shan ka kooban ayaa Laba rag ka ah, Sedexda kalana waa Haween waxaana ay kala yihiin:-
1-Cali Cabdullaahi Salaad.
2-Maxamed Cabdul Jaamac.
3-Xaawa Jamac Cabdi.
4-Fartun Cali Cabdiraxman.
5-Sundus Cabdullahi Xuseen.