1/17/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2025
Puntland oo si kulul uga jawaabtay hadalka Ra'iisul wasaare Xamse
 

Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa si kulul u dhaliilay hadalka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo uu ku bogaadiyay Ciidanka Puntland Howlgalka ay ka wadaan Buuraha Gobolka Bari oo ay kula dagaalamayaan Kooxda Daacish, waxaana uu sheegay in Dowladda looga baahnaa inay Puntland ku taageerto saanad Militery, Gadiid Culus, Qalab Caafimaad, Mid dhaqaale iyo inay fasaxdo Mashaariicda laga xayiray Puntland.

“Hadalka ah in Ciidamada Puntland taageeraa, Ciidanka waa leh reer Puntland waana geesiyaal cashar u dhigay Argagexisada,Taariikhda Argagexisada lama haayo meel ay 12 Koox Argagexiso ka tirsan ay isku qarxisay, Ra’iisul wasaaraha waxaa looga fadhiyaa taagerada Dastuuriga ah oo ay shacabka Puntland ay ku lahaayeen” ayuu yiri Wasiir Ceydiid Dirir Maxamuud.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay shacabka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo uu tilmaamay inay ka gudoomayaan hambalyada iyo dhiirgelinta ay u sameenayaan Ciidanka Puntland oo saacadihii lasoo dhaafay ilaa 8 saldhig ay lahaayeen Kooxda Daacish la wareegay.

Dhinaca xanibaada Mashaariicda horey Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa uga jawabaay eeddan oo kale oo Puntalnd ay usoo jeedisay waxaana uu sheegay in dowladda federalka aysan Puntland ka xannibin wax mashaariicda ah balse cidda is-hortaagtay wadashaqeynta hay’adaha federaalka ay tahay Puntland.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa goob fagaare uu kulan Dadweyne kaga qeyb galaayay ka sheegay in Dowladda ay u diyaarsan tahay sidii ay u garab istaagi lahayd Ciidamada Puntland ee dagaalka kula jira Kooxda Daacish.