Hiiraan Online
1/17/2025
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2025
Israa'iil iyo Xamaas oo gaaray heshiis xabad joojin ah iyo dabaal degyo ka bilaawday Gaza
Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Israa'iil iyo Xamaas ayaa la sheegay in ugu dambeyn ay si rasmi ah u aqbaleyn 15 bilood kadib heshiis xabad joojin ah, sida ay shaaciyeen dalalka ku howlana ka shaqeynta heshiiskaan Qatar, Masar iyo Mareykanka.
Heshiiskaan ayaa la tilmaamay inuu dhaqangali doono Axada soo socota oo taariiqdu ku beegan tahay 19-ka bishaan Janaayo 2025-ka.
Heshiiskaan uu gogol xaar u noqan doonaa heshiis dhameystiran oo lagu doonayo in dhamaan maxaabiista la kala haysto lagu siidaaynayo, kadibna ciidamada Israa’iil ay ka baxi doonaan Gaza sida qorshuhu yahay.
Dhammaan dhinacyada ka shaqeeyay in la gaaro heshiiskaan ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin inay ku dhawaaqaan in heshiis laga gaaray dagaalkii lagu hoobtaay ee 15-kii bolood ee ugu dambeeyay ka socday marinka Gaza.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in boqolaal ka mid ah dadka reer falastiin iney isugu soo baxeen jidadka marinka Gaza, kadib markii lagu dhawaaqay heshiiskaan u muuqda inuu soo afjarayo gumaadka ciidamada Israa’iil ka wadeen Gaza oo ay ku dhinteen dad tiradoodu gaareyso 50 kun oo qof.