1/16/2025
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 16, 2025
‘Anagu ma nihin budhcad-badeed’ ayay yiraahdeen af-duubayaashii qabsaday markabka Shiinaha
 

Khamiis, January 16, 2025 (HOL) - Mid kamid kamid ah kooxdii qabsatay markabkii kalluumaysi ee laga lahaa dalka Shiinaha ee maalmo ka hor lasii daayay, ayaa iska fogeeyay inay yihiin Burcad badeed.

“Ma nihin budhcad-badeed, ma nihin dambiilayaal. Waxaan nahay bulsho go’doonsan,” ayuu yiri Liibaan, oo Aljazeera khadka taleefoonka kula hadlayay xilli uu saarnaa dusha sare markab kalluumeysi oo Shiinaha laga leeyahay oo ay gacanta ku dhigeen bishii December ee sannadkii hore.

Liibaan ayaa ku eedeeyay maraakiibta Ajaanibta ah inay inta badan kalluumeysi sharci darrada ah ka wadaan xeebaha Soomaaliya, iyagoo xaalufinaya kheyraadka badda, islamarkaaasna wasakheeynaya xeebaha, taasoo khatar ku ah nolosha kalluumaysatada deegaanka.

"Wayna na toogtaan, waxay burburiyaan doomahayaga, waxayna naga hor istaagaan quudinta qoysaskeena," ayuu yiri Liibaan, isagoo muujiyay xaalada xun ee soo food saartay kalluumaysatada deegaanka.

25-kii Noofambar, Liibaan iyo kooxdiisu ayaa qaaday weerar afduub ah. Ka dib toddobaadyo ay dabagal ku hayeen markab laga leeyahay dalka Shiinaha oo ka howlgalayay meel 3.2km oo keliya u jirta xeebta Garmaal.

Saddexdii subaxnimo, ayuu sheegay inay fuuleen markabka. Askartii Soomaalida ahayd ee ilaalinaysay markabka ayuu sheegay inay si degdeg ah isugu soo  dhiibeen, isagoo sheegay inay ku sameeyeen hub ka dhigis.