
Khamiis, December 11, 2025 (HOL) – Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan ka-hortagga iyo la-dagaalanka fikradaha xagjirnimada, Aweys Maxamed Cumar, ayaa ka hadlay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafinayay baraha bulshada iyo qaar ka mid ah warbaahinta, kuwaas oo sheegayay in ay socdaan wada-hadallo qarsoodi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab.
Aweys Maxamed Cumar, ayaa si cad u beeniyay wararkaasi, isaga oo ku tilmaamay “been-abuur iyo marin-habaabin lagu doonayo in lagu wiiqo kalsoonida shacabka ee ku aaddan dagaalka socda ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Ergayga Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan jirin wax wada-hadal ah oo ay la gashay ama ay qorsheyneyso inay la gasho kooxda Al-Shabaab, isaga oo carabka ku adkeeyay in mowqifka dowladda uu yahay mid aan is beddelin oo diirada la saaro in dalka laga ciribtiro fikradaha xagjirnimada, hanjabaadaha argagixisada, iyo in la sii wado howlgalada amniga iyo barnaamijyada ka-hortagga.
Aweys Maxamed Cumar ayaa ku eedeeyay qorayaasha wararka been-abuurka ah inay yihiin kuwo isku dayaya in ay qalqal geliyaan amniga, abuuraan shaki iyo jahawareer bulshada dhexdeeda, islamarkaana ay hoos u dhigaan guulaha muuqda ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka gaareen amniga, dib-u-dhiska hay’adaha dowliga ah, iyo difaaca qaranka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu hoosta ka xariiqay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay weli ku mideysan yihiin ciribtirka Al-Shabaab iyo ka hortagga argagixisada.
Waxa uu xusay in hay’adaha amniga iyo dowladda ay si wadajir ah uga shaqeynayaan ilaalinta dalka iyo ka hortagga fikirka xagjirnimada ee khatarta ku ah midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.