Taliska ciidanka xoogga dalka oo faahfaahin ka bixiyay qarax Ismiidaamin ahaa oo Xalay ka dhacay Muqdisho

Khamiis, December 11, 2025 (HOL) – Warsaxafadeed kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin dheeraad ah looga bixiyay qarax Ismiidaamin ahaa oo Xalay ka dhacay xerada Jeneraal Dhagabadan ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho. 

Warka kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu sheegay in ciidanka amniga ee ku sugna xerada ay hortageen qaraxa, islamarkaana ay toogasho ku dileen nin isku soo xiray walxaha qarxa oo doonayay inuu gudaha u galo xerada.

Ninka la toogtay ayaa la sheegay inuu dhex galay askar saf ku jirtay, hayeshee markii ay ka shakiyeen ciidanka amniga ee ilaalada haayay toogasho ku dileen.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa afaafka hore ee xeradda Jeneraal Dhagabadan ku toogtay naftiis-halige , kaas oo isku soo xiray walxaha qarxa, Ciidanka oo feejignaan buuxda ku jiray ayaa toogtay naftii-haligaha kadib markuu isku dayay in uu galo Xerada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Taliska ciidanka xoogga dalka.

Qaraxa Ismiidaamiinta ahaa ee la fashiliyay ayaa la sheegay inuu sababay dhaawacyo  soo gaaray dhowr ka mid ah Ilaalada xerada Jeneraal Dhagabadan badan ee Xalay lagu weeraray qaraxa.

Ugu dambeyntii Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ku amaanay ciidanka xerada Jenaraal Dhagabadan feejignaanta iyo sida ay uga hortageen qaraxa uu doonaayey inuu gudaha xeradaasi ka fuliyo ninka isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa Ismiidaaminta ah ee Xalay lagu weeraray xerada Jeneraal Dhagabadan ee Ex xero Nac nac ayaa kusoo aadaya, iyadoo marar badan oo hore ay kooxda Al-shabaab beegsadeen xeradan oo inta badan lagu tababaro ciidanka xoogga dalka.