
Khamiis, December 11, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa laga helaya howlgal saacadihii lasoo dhaafay ciidanka hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ka fuliyeen gobolka Jubbada Dhexe.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu beegsaday horjoogeyaal ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Qoraalka NISA laguma faahfaahin inta uu dhan yahay khasaaraha ka dhashay howlgalka laga fuliyay degmada Jilib, marka laga soo tago in lagu beegsaday horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.
Si kastaba ha ahaate bayaanka NISA ayaa lagu xusay in howlgalka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, islamarkaasna dhawaan soo gudbin doonaan faahfaahino intaan ka dheeraad ah.
Ugu dambeyntii howlgalkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale saacadihii la soo dhaafay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka NISA iyo saaxiibada Caalamka laga fuliyay tuulada Jambaluul oo hoostagta degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsana kooxda iyo 12 xubnood oo kale.