
Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dalalka Afrika inay xoojiyaan dadaallada lagu doonayo dib-u-habeynta Guddiga Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC).
Soomaaliya waxay sheegtay in matalaadda liidata ee Afrika uu salkeedu yahay go’aanno la gaaray xilli qaaradda inteeda badan ay ku jirtay gumeysi.
Shir ay soo qaban-qaabisay Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadgelyada iyo Amniga ee Midowga Afrika oo ka dhacay Aljeers, ayuu Hamza Adan Haadoow, xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ka sheegay in aragtida Afrika aysan muuqan waqtigii la aas-aasey UNSC, welina aysan si buuxda uga tarjumin maanta.
Dowladda Soomaaliya ayaa waxay mar kale taageertay in la ballaariyo kuraasta joogtada ah iyo kuwa aan joogtada ahayn ee Afrika.
Soomaaliya waxay ku baaqday in gebi ahaanba la tirtiro awoodda veto-ga, taas oo ay sheegtay inay wiiqdo go’aan-qaadashada caalamiga ah ee caddaaladda ku dhisan.
Weftiga ayaa ammaanay Guddiga Tobanka (C10) ee Midowga Afrika oo uu hoggaamiyo Sierra Leone, kuwaas oo horumarinaya mowqif mideysan oo Afrika ah, kuna dhisan hindisaha muddo dheer u yaallay AU ee dib-u-habeynta Golaha Ammaanka.