Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir heer caalami ah oo lagu soo bandhigayo hub casri ah

Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi  oo ay wehlinayaan Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneral Odowaa Yuusuf Raage iyo saraakiil sare oo ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa dalka Masar uga qeyb galay kulan lagu soo bandhigayay hubka casriga ah oo ay soo saartay dowladda Masar.

Bandhigaan oo ka qabsoomay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafuud ka kala socotay 100, waxaana si rasmi ah u daahfuray Madaxweynaha Masar dalkaas Cabdel Fattah Al-Sisi.

Waxaa sidoo kale bandhiga Shirweynahan qeyb ka ahaa shirkado waa weyn oo ka shaqeeya howlaha difaaca, kuwaas oo tiradooda gaareyso 450 shirkadood oo heer  caalami ah, iyagoona soo bandhigay tiknoolajiyad iyo qalab casri ah.

Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya ayaa Inta lagu guda jiro maalmaha uu socanayo bandhiggan la filaya iney halkaas shirar gaar ah kula qaataan madaxda iyo wakiillada ka qaybgalaya shiran EDEX 2025, 

Wafdiga dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale daneynaya in madaxda iyo wakiilada kala hadlaan sidii loo xoojin laha iskaashiga difaaca, tababarrada militari, iyo iskaashiga farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee gobolka iyo kuwa caalamka.

Ugu dambeynti bandhigan EDEX 2025 ayaa Soomaaliya u ah fursad kor u qaadeysa tignoolajiyada difaaca ee dalka, si dowladda Soomaaliya awood dhameystiran ugu yeelato dagaalka ay kula jirto kooxaha Al-shabaab iyo Daacish.