Taliye Axmed Gaashaan "Maleeshiyaadka beelaha ee Yaaqbariweyne iyo Leego waxay xiriir la sameysteen Al-shabaab "

Talaado, December 2, 2025 (HOL) - Taliyaha guutada 7-aad ee ciidanka Militariga Soomaaliya Axmed Cabdi Cali Axmed Gaashaan ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maleeshiyaadka beelaha ee ku sugan inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbariweyne inay xiriir la sameysteen kooxda Al-shabaab.

Taliye Axmed Gaashaan ayaa sheegay in  maleeshiyadkaasi ay doonayaan inay dadka deegaanka dhibaateeyaan, islamarkaana ay falkaasi ku eedeeyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya. 

“Waxaan dowladda aan gaarsiinaynaa in nimankaas maleeshiyaadka ah hadda ay la xirteen Khawaarijta, rabaana hadhow inta deegaanka dad dhibaateeyaan inay yiraahdaan Ciidanka Dowladda ayaa dhibaateeyay, annaga dadkan dadkeennii waaye, waa ehelkeennii, waa dadkan ciidanka u ahayn, dhibaatadooda ma rabno, wanaagoodaa rabnaa, way nala shaqeeyaa" ayuu yiri Taliyaha guutada 7-aad Axmed Gaashaan.

Wuxuu sidoo kale xusay taliyaha in maleeshiyaadkan sababaha ay duurka ugu jiraan iney ka mid tahay sii hurinta colaad beeleedyada ka jirta deegaanada qaar ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna sheegay iney howlgalada sii wadayaan inta ay gacanta uga soo dhigayaan ragaan horay Maxkamadda u xukuntay.

“Ka istaagi mayno, amarka maxkamada ayaana ku shaqaynayna, iyo amarka Taliyeyaasha howlgalada ka dhan ah maleeshiyaadkana ma joogsan doono, Insha Allah waxaan gaarsiin doonaa tuulooyinkan nabad xoolaha lagu ilaashado, nabad lagu ganacsado, nabadna baryo laguma keeno, waxaan ku keeni doonaa sifo sharci ah, haddii uu Ilaahay yiraahdo ” ayuu yiri Taliyaha guutada 7aad Axmed Gaashaan.

Hadalka taliyaha ayaa sidoo kale imaanaya, iyadoo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay fuliyeen howlgalo ka dhan ah maleeshiyaadkan jidgooyooyin u taalay inta u dhaxeysa deegaanada kala ah Yaaqbariweyne iyo Leego ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka ayaa ku guuleystay in howlgalada  ay ku qaadaan jidgooyooyin lagu dhibaateyn jiray shacabka iyo gaadiidka xamuulka ee isticmaala wadada u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbariweyne.

Waxaa sidoo kale ciidanka howlgalka ku furteen gaadiid badan oo xamuul oo hore ugu xayirnaa maleeshiyaadka oo doonayay iney ka qaataan lacago sharci daro ah oo aysan awoodin gadiidleyda.

Ugu dambeyntii howlgaladaan ayaa qeyb ka ah dadaalo ciidamada dowladda Fedaraalka ku doonayaan iney kusoo qabtaan xubno maleeshiyo beeleed ah oo ay dhawaan Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ku riday xukuno kala duwan.