9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2024
Golaha Wasiiradda Soomaaliya oo ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliya
 

Khamiis, September, 26, 2024 (HOL) - Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa kulankooda Khamiislaha ah maanta ku ansixiyay magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya oo loo magacaabay Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Magacaabista Taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jenaraal Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano ayaa ku timid soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha, waxaana shirka golaha ee lagu ansixiyay magacaabistaan guddoomiyay Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Salaax Axmed Jaamac.

"Taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF" ayaa lagu yiri qoraal laga soo saaray shirka Wasiiradda.

Magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka Booliiska Soomaaliya ee loo magacaabay Asad Diyaano ayaa timid, iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay in loo magacaabi doono xilkaan.

Ugu dambeyntii Taliyihii xilkaan laga qaaday Farin Axmed Sulub ayaa saacado ka hor loo magacaabay inuu noqdo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaadiidka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya.