9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Lataliyaasha Arrimaha Fedaraalka iyo Dimuqraadiyadda
 

Khamiis, September, 26, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay laba Lataliye sare oo la sheegay in kaalin weyn ka qaadan doonaan hirgalinta qorshayaasha muhiimka u ah dowladnimada, Dimuqraadiyadda iyo arrimaha Fedaraalka.

Madaxweynaha ayaa u magacaabay wasiirkii hore ee amniga maamulka Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan Lataliyaha Sare ee Arrimaha Federaalka, kasoo la filayo inuu kaalin muhiim ah ka qaadan doono xoojinta nidaamka federaalka iyo isku xirka maamulada kala duwan ee dalka.

Axmed Jaamac Maxamed Cillal ayaa sidoo kale loo magacaabay inuu noqdo Lataliyaha sare ee dhinaca Dimuqraadiyadda iyo dowlad wanaagga, kasoo la tilmaamay inuu si gaar ah uga shaqeyn doona horumarinta hanaanka Dimuqraadiga ah iyo xoojinta maamulka hufan.

"Labadan Lataliye oo leh khibrad sare iyo waayo-aragnimo ku saabsan dowlad wanaagga iyo Federaalka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu kula dardaarmay in ay si hufan uga soo baxaan shaqada ay ka sugayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii labadaan Lataliye sare ee uu magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeday madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo uu khilaaf adag kala dhaxeeyo dowladda Fedaraalka Soomaaliya.