9/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 26, 2024
Taliyihii ciidanka Booliiska Soomaaliya oo loo magacaabay xil wasiir ah, xilli xilkiisa laga qaaday
 

Khamiis, September, 26, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa taliyihii ciidanka Booliiska Soomaaliya, sarreeye Gaas Sulub Axmed Firin u magacaabay wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS.

Magacaabidda Sulub ayaa kusoo beegantay, iyadoo maanta oo khamiis ah lagu wado in taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya loo magacaabo, Gen. Asad Cismaan Diyaano, laguna soo bandhigo shirka Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa xalay Sulub Axmed Firin u dalacsiiyay darajada Sarreeye Gaas, kaddib markii loo qabtay xaflad lagu sagootinayay oo uu madaxweynuhu goob joog ka ahaa.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyay taliyaha ciidanka  Booliiska ee xafiiska banaynayna guulaha ilaalinta nabad-galyada dalka, isaga oo  lagu ammaanay inuu adkeeyey ku dhaqanka shuruucda Ciidamada, si loo xaqiijiyo hufnaanta shaqo ee ciidamada.

Muddo dheer ayay taagnayd in la beddelayo taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliya, laguna beddelayo Gen. Asad Cismaan Diyaano oo kasoo jeeda Puntland, ahna mucaaradka madaxweyne Deni.

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo raysal wasaare ayaa isku hayay in la beddelo taliyaha, balse hadda waxay u muuqataa in ay ku heshiiyeen in taliyaha lagu daro golaha xukuumadda.

Dadka siyaasadaha falanqeeya ayaa u arka sababta madaxtooyada Soomaaliya Gen. Asad Diyaano ugu magacaabayso taliyaha ciidanka Booliiska ay tahay arrimo siyaasadeed oo ah, in madaxweye Xasan Sheikh uu soo dhoweysanayo mucaaradka Deni, si ay dowladda saamayn ugu yeelato gudaha Puntland.